Maxkamad ku taal Turkiga oo xabsiga kasii daysay arday

Istanbul-(Berberanews)-Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa amartay in la sii daayo laba arday oo jaamacadeed oo muddo saddex bilood u xidhnaa dowladda.

Kiiska xadhigooda ayaa ka danbeeyay mudaharaad ka dhacay jaamacadda oo looga soo horjeeday magacaabista dowladda ee guddoomiyaha jaamacadda Bogazici ee Istanbul.

Berke Gok iyo Perit Ozen oo xabsiga ku jiray iyada oo xukunkooda maxkamad la sugayo, ayaa la sii daayay Jimcihii maanta.

Ardeydan ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay ku xad-gudbeen sharciga xidhiidha mudaaharaad, ka-hortag mas’uuliyiinta dowladda inay gudan karaan waajibaadkooda iyo dambiyo kale.

Mudaaharaadyada ayaa muddo kooban ku fiday meelo kale oo ka mid ah Istanbul iyo magaalooyin kale, waxayna sababeen in boqolaal qof xabsiga loo taxaabo.

Labadan arday ayaa la filayay inay si xor ah uga soo lugeeyaan xabsiga Silivri ee Istanbul oo ah xabsiga Silivri oo aad loo ilaaliyo galinka dambe ee Jimcaha, sida uu qareenka Gokhan Soysal u sheegay wakaaladda wararka ee DPA, laakiin dacwadda ka dhanka ah iyaga iyo 12 arday oo kale ayaa dib u bilaaban doonta 21-ka March.

Maxkamaddu waxay ku soo rogtay xayiraad dhanka socdaalka ah labada arday. Horraantii dhageysiga, ardaydu waxay ku soo urureen taageerada eedaysanayaasha meel u dhow maxkamadda weyn ee Istanbul oo sita boodhadh ay ku dalbanayaan xorriyaddooda.

Burcin Sahan, oo ah qareenka labada qof, ayaa sheegay dhageysiga ka dib in “dhibaateynta garsoorka” ee ardayda loo baahan yahay in la joojiyo.