Maraykanka ma hoggaamin doonaa aqoonsiga Somaliland

Wariyaha ABS TV oo joogay magaalada Houston ee gobolka Texas ayaa waxa uu la xidhiidhay Tibor Nagy, oo ahaa Wakiilkii Hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, oo joogay Washington D.C.

Wariyaha ayaa weydiiyey  Tibor Nagy,in dhawaan uu ka soo noqday Somaliland, su’aasha uu weydiinayaana ay tahay cida horjoogta aqoonsiga Somaliland in uu iftiimiyo.

Tibor Nagy waxa uu u sheegay ABS  in Ururka Midoowga Afrika in kasta oo siyaabo kala duwan uga soo horjeedaan aqoonsiga Somaliland, in hadana ay jiraan wadamo badan oo aanu doonayn in uu magacaabo kuwaas oo balanqaaday in ay noqonayaan wadanka labaad ee aqoonsanaya Somaliland, hadii markaas wadan aan iyaga ahayn uu uga horeeyo aqoonsiga Somaliland.

Wariyaha ayaa weydiiyey Amb.Tibor Nagy hadii Maraykanka uu hogaamin doono aqoonsi caalami ah oo loo fidiyo Somaliland, maadaama Somaliland ay tahay wadanka kaliya Afrika ee Shiinaha aanu ku lahayn wax dayn ah.

Tibor Nagy oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa u sheegay ABS in uu dareensanyahay, ogyahayna in Washington ay hogaamin doonto aqoonsiga Somaliland sanadaha inagu soo aadan.

Tibor Nagy oo hadalkiisa sii wata ayaa u sheegay wariyaha ABS in dadku ay u haystaan in Madaxweynaha Maraykanka uu gooyo siyaasada arimaha dibada ee Maraykanka.

Taas ma aha mid xaqiiq ah ayaa uu sheegay Nagy, waxana uu xasuusiyey wariyaha ABS, in Koongreeska,” Private Sector” iyo xitaa ururada maxaliga ah ay iyagu jaangooyaan siyaasada arimaha dibada Maraykanka, waxana uu sheegay in sadexdan qaybood ay qayb weyn ka badali doonaan aqoonsi la’aanta wakhtigan haysta Somaliland.

Tibor Nagy waxa mar kale u sheegay ABS in uu jiro dareen ah in la soo afjaro xaalada aqoonsi la’aaneed ee Somaliland, rajadiisana Somalilandna ay ka fiicantahay sidii uu ahaa sanadahii la soo dhaafay.

Tibor Nagy waxa uu sheegay in uu xasuustay sanadkii 2000 markaas oo safaarada Maraykanka ee Addis Ababa uu kula kulmay Madaxweyne Igal oo ka niyad jabay siyaasada Maraykanka uu ku ciqaabayo Somaliland.

Tibor Nagy waxa uu u sheegay ABS in rajadiisa aqoonsiga Somaliland ay aad u fiicantahay, uuna rajaynayo is badal fiican mustaqbalka dhaw.

WQ Axmed Adan