Alshabaab oo sheegatay masuulliyaddii weerarkii Lamu

Kenya-(Berberanews)-Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar lagu dilay ugu yaraan 6 qof Kenyaan ah deegaanka Windho ee gobolka Lamu.

War rasmi ah oo kasoo baxay Alshabaab, ayaa lagu sheegay in dadka weerarkaas lagu dilay uu ku jiray guddoomiyihii tuulada Windho oo qiyaastii  28KM u jirta deegaanka Mpeketoni ee gobalka Lamu

Wararka ayaa intaas ku daraya in dableyda weerarka qaaday ay dab qabadsiiyeen guriga guddoomiyaha deegaanka Windho, kadibna dagaal culus uu halkaas ku dhexmaray  Alshabaab iyo ciidamada Kenya.

Mid kamid ah dadka la dilay ayaa qoorta laga jaray sida ay sheegeen warbaahinta Kenya oo soo xiganaysay saraakiil katirsan dowladda Kenya ee maamulka gobolka Lamu.

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in kooxda weerarkaan ka dambeysay ay baxsadeen, inkastoo ay sheegtay in ay ciiddankeeda amniga ku raad joogaan sidii gacanta loogusoo dhigi lahaa.

@hiiraan