Tacriifadda DP World oo saamaysay shaqadii dekedda iyo gartooda oo Hargeysa loo raray

Berbera-(Berberanews)-Waxaa gebi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqii gabacsiga Marsada weyn ee Magaalada Berbera, ka dib markii shirkadda DP world kusoo rogtay tacriifad cusub adeegyadii ganacsi ee Dekedda.

Ganacsatada wax kala soo dega Berbera, ayaa ka biyo diiday tacriifadda Dp World oo ku taariikhaysan inay dhaqangasho 1dii January ee sannadka cusub 2022.

Ganacsatadu waxay diideen tacriifaddaas oo ay ku sheegeen mid aanay qaadi karin culayskeeda, sidaa daraadeed waxay joojiyeen alaabooyin u saaraa maraakiib ganacsi in laga rogo.

Rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa todobaadkii hore soo saartay bayaan ay ku muujinayso sida ay uga xuntahay Tacriifadda cusub ee DP World, taasoo ay ku sifeeyeen mid ka hor imanaysa qodobka 12aad ee heshiiskii Somaliland iyo DP World, islamarkaana aanay dekedda berbera la jaanqaadi karin dekeddaha jaarkeeda ah, haddii la kordhiyo tacriifadda.

Cabashada rugta ganacsiga Somaliland

Balse shirkadda Dp World oo iska dhega-maraysa baaqyada Rugta ganacsiga iyo Ganacsatada, ayaa ku adkaysanaysa goaanka ay ku kordhisay tacriifadeeda cusub.

Ganacsatada Somaliland iyo Dp World, ayaa xiisadooda loo raray dhanka Hargeysa ee Madaxtooyadda,halkaasoo lagu dhegaysanayo labada dhinac.

Halkan ka kala soo deg Tacriifadda cusub ee shirkadda DP World kusoo rogtay ganacsatada ku xidhan Dekedda Berbera.