Dabley lix qof ku dishay deegaan xeebeedka Lamu ee dalka Kenya

Ugu yaraan lix qof, ayaa lagu dilay weerar la aaminsan yahay in kooxda Al-shabaab ay ka geysteen gobolka xeebta Lamu ee dalka Kenya gelinkii hore ee maanta, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dawladda Kenya.
Weerarkan ayaa sidoo kale lagu gubay guryo, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.
“Waxaan xaqiijinayaa in weerar lagu tuhmayo Al-shabaab lagu soo qaaday halka loo yaqaan Widhuu, waxana ku dhintay lix qof. Mid waa la toogtay, sidoo kale waxa la gubay kuwa kale,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Lamu, Irungu Macharia.
“Ciidammadaya amniga ayaa ku daba jira, waxaanuna ka codsaneynaa dadka degaanka in ay gacan nagu siiyaan, waayo marka aan wada shaqeyno waan guuleysaneynaa,” ayuu sii raaciyey.
Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerarro waaweyn ka geystay gudaha dalka Kenya, iyagoo sida ay sheegeen uga aargudanaya ciidammada xukuumadda Nairobi undirtay gudaha Soomaaliya sannadkii 2011-kii.
Gobolka Lamu oo ay ku yaallaan meelaha loo dalxiis tago ee caanka ah ee Jasiiradda Lamu, ayaa ku dhow xadka Soomaaliya, waxana ka dhaca weerarro joogto ah, oo inta badan loo adeegsado qaraxyo lagu aaso waddooyinka.