Diblomaasi Maraykan ah oo Isbarbar-dhig ku sameeyey xaaladaha Somaliland Soomaaliya

Washington – Safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Saaxil ee Afrika iyo sidoo kale Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsnaa Gobolka Harooyinka waaweyn Dr. J. Peter Pham, ayaa isbarbar-dhig ku sameeyey xaaladaha dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.
Diblomaasiga ayaa ka hadlay kala duwanaanshaha jahawareerka iyo qaska adag ee xilligan ka taagan dalka Soomaaliya ee salka ku haya muran ka dhashay doorashooyinka dib u dhacay iyo doorashooyinkii isku sidkanaa ee sida nabadgelyada iyo quruxda badan uga qabsoomay Somaliland sannadkan dhammaadka ah.
Qoraal kooban oo Dr. J. Peter Pham ku baahiyey barta uu ku leeyahay degalka Twitter-ka, ayaa sheegay, “Somaliland waxay xaqiijisay doorasho qof iyo cod ah iyo weliba in xisbiyada mucaaradka ka guulaysan karaan muxaafidka, taas oo tilmaan u ah heerka nidaamka dimoqraadiyaddu ka gaadhay Somaliland.”
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaysay in aanay suurtogal ka ahayn oo keliya doorasho qof iyo cod ah, balse xisbiyada mucaaridku ay xataa u guulaysan karaan sidii ay ku guulaysteen tartankii doorashada Golaha Sharci-dejinta ee sannadkan,” ayuu sii raaciyey.
Dhinaca kale, Ambassador Pham oo xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland barbar-dhigayey dhibta ka taagan dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynaha waqigiisu dhammaaday Maxamed Cabdillaahi Farmaajo  iyo kuwa la midka ah ee Muqdisho joogaa aanay doonayn in doorasho la qabto “Madaxweyne Farmaajo oo hore u ahaa muwaaddin Maraykan ah iyo kuwa la mid ah ee Xamar joogaa ma doonayaan doorasho,” ayuu yidhi diblomaasiga Ameerikaanka ah.