Somaliland oo sheegtay inay Ka hortegayso isballaadhinta Shiinaha ee Afrika

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa u soo bandhigtay dawladda Maraykanka qorsheyaasheeda la xidhiidha in laga hortago saamaynta isballaadhinta Shiinaha ee qaaradda Afrika, iyadoo Somaliland ku taal goob istaraatiiji ah oo dunida oo dhan aad u danaynayso waqtigan.

Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland oo booqasho ku tegay Washington, ayaa masuuliyiinta Maraykanka uga warramay sida ay muhiim u tahay inuu taageero Somaliland, maaddaama ay leeyihiin cadow isku mid ah, kaas oo ah Shiinaha oo xilligan faro-gelin ku haya dalalka Afrika ee Somaliland ka mid tahay.

Warbaahinta Maraykanka oo soo xiganaya Safiirka Somaliland ee Washington Ambassador Bashiir Good, ayaa sheegay in Weftiga Somaliland oo la kulmay inta badan laamaha dawladda Maraykanku uu soo bandhigay dood macquul ah, taas oo mudan in Maraykanku u dhego-nuglaado.

“Waxaannu Maraykanka u nimi in aannu tusno inaannu wada leenahay cadow keli ah ‘Shiinaha’, qorshahayaga guudna yahay in aannu ku soo dhawaanno dimoquraadiyadda iyo suuqa dhaqaale ee Maraykanka,” ayuu warbaahinta Maraykanka u sheegay Safiirka Somaliland ee Maraykanka Ambassador Bashir Good.

Safiirku wuxuu sheegay in Somaliland ka shaqaynayso sidii ay door ugu yeelan lahayd dedaallada dawladaha dimoqraadiga ah ee Maraykanku ka mid yahay ugu jiraan in la joojiyo saamaynta Shiinaha ee qaaradda Afrika.
“Annagu waxaanu joojinaynaa is ballaadhinta iyo saamaynta Shiinaha ee Geeska Afrika, sidaa darteed waananu istaahilaa taageerada Washington,” ayuu hadalkiisi sii raaciyey Ambassador Good.

Qore: Suxufi Cabdiqaadir Carab.