Taiwan: Heshiis taariikhiya oo lagu soo saarayo shiidaalka Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan Amb. Maxamed Xaaji, ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiis taariikhi ah oo lagu soo saarayo shidaalka Somaliland.

Sidaas waxa uu Ambasadorku ku sheegay qoraal uu soo soo dhigay bartiisa Facebook oo u qornaa sidan.

“Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Taywaan waxa ay si weyn isaga kaashan doonaan horumarka dhinaca dhismaha dhaqaalaha, gaar ahaan dhanka waxsoosaarka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah.

Waxa aan si weyn u soo dhaweynayaa heshiiska shidaal qodista shirkadda CPC Taiwan ay ku maalgalin doonta shidaalka Somaliland.

Muddo sannad ah wadahadalkii saddex geesoodka ahaa ee u socday Dawladda Somaliland, gaar ahaan xafiiskayga iyo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland oo dhinac ah iyo shariikadda weyn ee laga leeyahay dalka Taywaan ee CPC, iyo weliba shariikadda Genel Energy guul ayuu ku soo dhammaaday Alle mahadi ha ka gaadho eh.

Qodista shidaalka waxa lagu maalgalin doonaa boqolaal Milyan waxana insha allah dalka u ga soo bixi doona Balaayiin lacag ah oo dhaqaalaha waddanka wax weyn ka beddeli doonta marka lagu guuleysto saasaarista shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland. Hamigeennu waa Somaliland oo dhaqaale ahaan xoog badan mustaqbalka dhow insha allah