Itoobiya: Xoogagga TPLF oo gebi ahaanba iskaga baxaya gobollada Amxaarada iyo Canfarta

Maqalle —(Berberanews)’Xoogagga Tigreega ee dagaalka kula jira dawladda dhexe ee dalka Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda ugu baxayaan gobollada Axmaarada iyo Canfarta oo ay magaalooyin badan ka haysteen.
Sidaa waxa warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay  TPLF maanta, isagoo xusay in qorshaha ay ciidammadooda kagala baxayaan gobollada woqooyi ee deriska la ah uu yahay tallaabo loo qaaday dhinaca xabbad-joojin suurtogal ah oo lagu soo afjaro dagaalka culus ee socday 13-ka bilood ka socda dalka Itoobiya.
“Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkeenna geesinimada leh ee ka bixitaankayagu uu noqon doono bilowga nabadda,” ayuu qoray Debretsion Gebremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka woqooyi ee Tigray.
Warqad uu Gebremichael u diray Qarammada Midoobay waxa uu ku baaqay in la sameeyo aag ka caaggan duullimaadyada diyaaradaha dagaalka ee Tigraay, isla markaana la saaro cunaqabataynta hubka Itoobiya iyo xulafadeeda Eritereeya, lana sameeyo hab lagu xaqiijiyo in xoogagga hubaysan ee aan Itoobiyaanka ahayn ay ka baxeen gobolkooda.
Dagaalka ka socda dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika waxa uu khalkhal geliyey Gobolka Geeska Africa oo markii horeba taag darnaa, iyada oo 60,000 qaxoonti ah ay galeen dalka Sudan, sidoo kalena sababay in ciidammada Ethiopia laga saaro dalka Soomaaliya ee dagaalladu ragaadiyeen iyo inay colaadda ku soo biiraan ciidanka waddanka deriska ah ee Eritrea.
Debretsion waxa uu sheegay inuu rajaynayo ka bixitaanka Tigrayga ee gobollada Canfarta iyo Amxaarada, ay ku qasbi doonto beesha caalamka inay xaqiijiso in cunnada gargaarka ah ay soo gasho Tigrayga.
Qarammada Midoobay ayaa hore ugu eedeysay Addis Ababa in ay waddo go’doomin dhab ah – eedaymahaas oo ay dawladdu beenisay.
“Waxaan rajaynaynaa in marka aan ka baxno, beesha caalamku wax ka qaban doonto xaaladda Tigrayga maadaama aanay hadda ka dib marmarsiinyo ka dhigan karin in ciidammadayadu ay duullaan ku yihiin Amxaarada iyo Canfarta,” ayuu afhayeenka TPLF Getachew Reda u sheegay Reuters.

Berberanews.com
Info@berberanews.com