Dawladda Itoobiya oo magaalooyin muhiim ah kala wareegtay TPLF

Addis Ababa  -(Berberanews)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidammadeedu dib ula wareegeen magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay gacanta ku hayeen jabhadda fallaagada Tigreega ee TPLF.
Wasiirka Isgaadhsiinta Itoobiya Mr. Legesse Tulu, ayaa u sheegay warbaahinta maanta in magaalooyinka Woldiya iyo Kobo oo ah kuwa istaraatiijiyad leh dib loo qabsaday markii ugu horreysay tan iyo xagaagii.
Xooggaga Tigreega ayaan wax jawaab ah ka bixin sheegashadaas, laakiin waxay hore u sheegeen in ay samaynayaan isbeddello xeeladaysan.
BBC-du si madaxbanaan uma aanay xaqiijin sheegashadii ugu dambeysay. Balse, waxay u muuqataa in dawladdu ay dib ula wareegtay magaalooyinka waaweyn ee dhanka dhulka Axmaarada ah marka laga reebo magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo ay fallaagada dib ula wareegeen toddobaad kadib markii ay dawladdu gacanta ku dhigtay horraantii bishan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com