Somaliya: Alshabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidanka AMISOM ku leeyihiin duleedka Muqdisho

Muqdisho -(Berberanews)-Kooxda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degaan aan wax badan ka fogayn magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya gelinkii dambe Khamiistii shalay.
Saldhigga ciidammada AMISOM ee xoogagga Al-shabaab weerarka ku qaadeen ayaa ku yaal degaanka Buulomadheedh oo qiyaastii 123km dhanka koonfureed kaga beegan Muqdisho.
“Xoogagga Alshabaab ayaa weerar ku qaaday bar kontarool oo laga ilaaliyo saldhig ciidammada AMISOM ku leeyihiin Buulo-madheedh, balse ciidanka ayaa si degdeg ah uga hortagay. Laakiin kooxda weerarka soo qaaday ayaa madaafiic ku garaacay saldhigga AMISOM, waxana suurtogal ah in ay madaafiic ku dhaceen saldhigga.” Sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan millateriga Soomaaliya oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.
Kooxda Alshabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan, ayaa xusay inay weerarkaas waxyeello isugu jirta iyo dhaawac gaadhsiiyeen 17 askari oo AMISOM ah.
Taliska ciidanka AMISOM iyo dawladda Soomaaliya ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin weerarka Alshabaab.

Berberanews.com
Info@berberanews.com