Dawladda Maraykanka oo qorshaynaysa heshiis amni oo ay la gasho Somaliland

Washington  -Dawladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa in ay Jamhuuriyadda Somaliland la gasho heshiis dhanka amniga ah oo ka gaar ah ka ay kula jirto dawladda Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin uu soo saarey Aqalka Congress-ka Mareykanka,  November 4, 2021.
Arrintan ayaa timi kadib markii Senator James Risch uu soo jeediyey in wax ka beddel lagu sameeyo ‘Xeerka Difaaca Qaranka’ dawladda Mareykanka. Sidoo kale, warbixinta Congress-ka waxa lagu sheegay in la sameeyo baadhitaan xaqiiq-raadin ah oo la xidhiidha iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca ee Somaliland iyo Mareykanka. Waxa xusid mudan in hadda Somaliland ay ku sugan yihiin xubno ka socda shaqaalaha Congress-ka Mareykanka.

Maraykanku waxa kale oo uu bogaadiyey xidhiidhka dhanka amniga iyo difaaca ee Somaliland iyo Taiwan. Isla warbixintan, Congress-ka Maraykanka ayaa ku ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland inay ka aqbashay codsigiisii la xidhiidhay caawimaadda iyo daadguraynta muwaaddiniinta Mareykanka iyo dadka jilicsan ee reer Afghanistan ee ku sugnaa dalkaas waqtigii ay Daalibaan qabsatay halkaasi.

Khaalid Foodhaadhi