Waa kuma Michael Mccaul: Madaxa weftiga USA ee Somaliland ku sugan?

Michael Mcaul waxa uu ka soo muuqday Madaxtooyada Somaliland sida ay soo wariyeen Horn Diplomat iyo Cameron Hudson oo ka tirsanaa CIA, sidoo kale shaqaale ka ahaa Waaxda Arimaha Dibada Maraykanka,hadana ku nool magaalada Durham ee gobolka North Carolina.

Michael Mccaul waa Gudoomiyaha United States Department of Defence China Task Force ama Gudoomiyaha Waaxda Difaaca Maraykanka ee ka soo horjeeda awooda Shiinaha.

Sidoo kale Michael Mccaul ayaa ah xildhibaan ( Congressman ) laga soo doorto gobolka Texas.

Chris Smith iyo Tom Lantos ayaa sidoo kale ka mid ah wafdiga Maraykanka ah ee ka socda Koongreeska Maraykanka.

Michael Mccaul ayaa ah Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Dibada ee Aqalka Cad.

Addis  Standard  ayaa noqotay joornaalkii ugu horeeyey Bariga Afrika ee ka faalooda wafdiga ku sugan Hargeisa.

Amaanka madaxda Maraykanka ee jooga Hargeisa ayaa waxa ilaalinaya ciidamada khaaska ah ee Somaliland iyo ilaalo dharcad Maraykan ah ( Secret Service ).

WQ Axmed Adan