Soomaaliya: Alshabaab oo la wareegay degaan 30km u jira magaalada xarunta u ah Maamul-goboleedka Galmudug

Dhuusamareeb -(Berberanews)-Dagaalyanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaa la wareegay degaanka Ceel-dheere oo 30km u jira magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamul-goboleedka Soomaaliya ee Galmudug subaxnimadii hore ee saaka.

Waa magaaladii labaad toddobaad gudihii ee ay la wareegaan Alshabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyey isku fidinayey deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya.

Xoogagga Alshabaab ee qabsaday Ceel-dheere, ayaa la sheegay in ay gubeen saldhigga ciidanka Booliska iyo xarunta maamulka ee magaaladaas, kuwaas oo at qaarkood ku xidheen qaraxyo dhulka la simay.

Alshabaab wax dagaal ah kalama kulmin qabsashada Ceeldheere, inkastoo ciidanka dawladdu ku qaadeen weerar ay doonayeen inay dib ugu qabsanayaan, haddana sida la sheegay dagaallamayaasha Alshabaab ayaa iska caabbiyey.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii Alshabaab la wareegeen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo ah magaalo muhiim ah oo isu xidha gobollada koonfurta iyo degaannada maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Ceel-dheere u dhexaysa magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel, waa degaan ay Alshabaab dhowr jeer oo hore qabsadeen sannadkan gudihiisa, inkastoo ay markasta saacado kooban kadib uga baxeen.

Is-ballaadhinta cusub ee xooggaga Alshabaab, ayaa ku soo beegantay, xilli maamulka Galmudug isu diyaarinayo qabashada doorashada kuraasta golaha shacabka.