Somaliland: Suurtagalnimada dalalka u horeeya ee Maraykanku aqoonsado 2022

Muddadii 30 ka sannadood ahayd ee Somaliland dib ula soo noqotay dawladnimadeeda waxa u qabsoomay horumar iyo waxqabad bulshada caalamku u riyaaqday. Waxaa dib loo abuuray nidaamkii dawladnimo sida Fulintii, sharci dajintii iyo Garsoorkii, ciidamadii kala duwanaa, lacagtii iyo sharciyadii dalka, waxaa si baaxad leh u dhismay magaalooyinkii dalka, gacansigii, waxbarashada iyo dhamaan calaamadihii dawladnimo iyadoon caawimo ka helayn haba yaraatee beesha caalamka.

Waxay Somaliland ku guulaysatay dhismaha nidaamka xisbiyada badan iyo  dhisidda dhamaan hay’adihii dimuquraadiyada salka u ahaa – doorashooyiin xor iyo xalaal ah oo is xiga ayaa si habsami leh u qabsoomay kuwaasi oo natiijooyinkoodii loo aqbalay si aan turxaan lahayn oon ka dhicin gobolka Geeska Afrika. Wada shaqayn buuxda ayay Somaliland la leedahay beesha caalamka – waxaa loola macaamilaa sidii Dawlad  (De Facto State) oo taageero caam ah helaysa isla markaana leh awood ay ku fuliso adeegyada dawladeed ee ay siinayso bulshadeeda hadana Somaliland looma aqoonsan in ay tahay Dal madax banaan.

Hadaba waa maxay sababta ka danbaysa maanta waftiga Maraykanka ee ku sugan Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa?

Baabal-mandab: Waa marin biyood aad u yar oo kala qeybiya badweynta Hindiya iyo Badda Cas, waxa labada dhinac ka kulaala dalalka Jabuuti, Yemen iyo Eritrea, halka Somaliland ay kaabiga ku heyso oo markab aan badda Somaliland marin aanu gaadhi karin marinkan, kana soo gudbi karin isaga oon marka dambe marin baddan somaliland .

Dalka Jabuuti waxaa saldhigyo ciidan ku leh dalal kala duwan oo ka mid ah kuwa ugu quwadaha waaweyn adduunka, waxaana ka mid ah Maraykanka, Faransiiska, Shiinaha iyo kuwa kale.
Magaalada Berbera waxaa iyadana saldhig ciidan ka dhistay dowladda Imaaraatka Carabta.
Inkasta oo marka ay dowladahani ka hadlayaan ay ku sheegaan sababta ay saldhigyada u furteeni ay tahay la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeeda, haddana waxaa rasmi ah  in dal kasta uu illaashanayo danahiisa gaarka ah iyo ganacsiga.

Dawladaha Adduunka, sida Maraykanka, Jarmalka, Faransiiska, Shiinaha, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ku loolamaya sidii ay xidhiidho wanaagsan ula samaysan lahaayeen Dalalka qaaradda Afrika oo ay Somaliland ku jirto.
Maraykanka oo ka mid ah Dawladaha xilligan ugu awoodda badan dhaqaale ahaan iyo Millateri ahaanba Adduunka, ayaa ku jira Dawladaha ku loolamaya Dekedda Berbera ee Somaliland .
Maraykanka oo hore saamayn siyaasadeed iyo mid Millateriba ugu lahaa Berbera , ayaa hadda isku diyaarinaya inuu saamayntiisa siyaasadeed ku muujiyo Qaaradda Afrika gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland isla-markaana abuuro xidhiidho uu la yeelanayo Dawladda Somaliland, sidaasi darteed waxa suurto-gal ah inay Somaliland ka mid noqoto dalalka ugu horeeya ee sanadka cusub ee 2022 uu Maraykanku u Aqoonsanayo Dal ka mid ah bulshada Caalamka.

Faisal Jama Hadame

l