Garyaqaanada Golaha waxa Ka Muuqata Aqoon La’aan Sharci oo badan,”.Garyaqan Liibaan.

Iftiimin Sharci Micnaha Saxeexa Madaxweynaha Ee Waxa Looga Jeedo.
Talada Garyaqaanada Golaha Waxa Ka Muuqata Aqoon La’aan Sharci Oo Badan
Marka laga hadlayo erayga saxeex ee ah in uu Madaxwaynuhu mashruuc sharci oo goleyaasha sharci dajintu ansixiyeen ay tahay inuu ku saxeexo 21 cisho gudahood, waxa macnaheedu yahay Marka lagu hadlayo afka sharciga, eray saxeex waxa looga jeedaa dhaqan galin ama faafin, waxa la saxexayaana maaha warqad ee waa xeerka laftiisa, marka la leeyahay waa in uu Madaxwaynuhu 21 cisho gudahood ku saxeexo, waxa sharci ahaan loo jeedaa, on macnaheedu yahay waa inuu 21 cisho ku dhaqan galiyaaa xeerka Madaxwaynuhu, sida ku cad qod 77 xubinta 5 aad , ee dastuurka, erayga saxeex waxa loo isticmaali karaa oo kaliya marka laga hadlayo dhaqan galin, laakin looma isticmaali karo, soo celin xeer waana khalad in loo adeegsado soo celin oo la yidhaahdo 19 gudahood ayuu Madaxwaynuhu ku saxeexay .
Marka laga hadlayo soo celin xeer ee la leeyahay Madaxwaynuhu 21 cisho gudahood ayuu xeerka dib baarlamanka kugu soo celin karaa, waxa uu dastuurka u yaqaanaa erayga dib u celin,  war galin waxaana ka hadlaya Qod 78 xubintiisa 3 aad ama 4 aad, waana war galin waxaanu u qoranyahay oo ku waajibiyey Madaxwaynaha inuu muddo 21 cisho gudahood uu dib ugu soo war galiyo golaha wakiilada, waana war galin, ee maaha saxeex loomana adeegsan karo,  erayga saxeex,  laakin halkan talada sharciyaqaanada goluhu waa mid ay ka muuqato aqoon la’aan badani.

Diyaariye Sharciyaqaan Liban Mohamed Magan