Furista Ururrada Siyaasadda: Dhul’gariir ku dhuftay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland

= WADDANI: waxa oodda soo goosanaya qammaamuurta xisbiga ku jirta ee hore u waayey fursad ay xisbi ku furtaan. Wasiir hore Duur oo si kal iyo laab ah u soo dhoweeyey furista ururrada ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yidhi “Furista ururrada siyaasadeed waa dhawaaq shacabku soo dhoweeyey.

Waa fursad intii wax saluugsanayd ay ku sixi karaan waxay tabayaan.” Tani waa bilowgii waxa waddooyinka ku soo jira inay xubno badan ay suurtogal tahay inay urur furtaan. Guddoomiyaha xisbiga iyo musharraxaha ayaannu shaki ku jirin in furista ururradu ay joog iyo jiifba u diidayaan, waxana garbahiisa ka baxaya rag miisaan ku lahaa xisbiga oo urur furan doona. Weli go’aan ka qadhaadh ma soo marin guddoomiye Xirsi iyo musharrax Cirro. ‘Qolo marti ah oo Oogaadeen ah ayaa tegay Harar, markaasaa bun loo keenay iyaga oo aan weligood bun cabbin. Markii ay bunkii dhammaysteen ayaa lagu yidhi, iska taga waa sadaqee. Markaasaay yidhaaheen weli sadaqo ka qadhaadh maanu arag.’

= KULMIYE: Waxa meesha ka baxaysa is-bahaysigii beelaysnaa ee xisbiga KULMIYE ku shuraakoobay. Waxa soo bixi doonta inay labadii beelood ee ugu cuslaa kala dhaqaaqan, oo mid kastaa dhawr urur ka dhex samaysmaan. Dhammaan xubnihii xisbiga ku jiray ee aan golaha wasiirrada ku soo bixin, ee sitay magaca xil-suge ayaa bannaanka uga bixi doona, oo urur furan doona. Hoos u dhac weyn ayaa ku soo fool leh xisbigan siyaasadda Somaliland gacanta ku hayey 10kii sanno ee ugu dambeeyey. Inta badan xisbiga xukuumiga ah wuu badbaadaa marka ururrada la furo.

= UCID: xisbiga ugu hor dhiman doonaa waa kan, waayo markii horaba naf la caari ayuu ahaa. Kol haddii xisbigii WADDANI ee ugu weynaa mucaaradku ay xaaladdiisu tahay inuu rifmo oo uu ku jiro xaaladda hubaal la’aan ah inuu soo bixi iyo in kale, maxaad ka filanaysaa UCID oo markii horaba aanay nafi ka sarayn. 20 sanno ee ugu dambeeyey ayuu xisbigu ahaa qol u xidhan guddoomiyaha iyo musharraxa aan dhicin ee Faysal. Waraysi ay BBC-da laanta Afsoomaaligu ka qaadday markii uu soo baxay hadalka furista xisbiyadu, ayuu si cadho leh ku yidhi “ama ururro ha furo ama wuxuu doono ha furo.” Waxa ay hore maryo dhiig leh ay kala furteen Jamaal oo mar xisbiga musharrax ka noqday. Waxa kuu caddaynaysa inuu yahay dhiciskii birta loo sii siday ee bakhtiyey, doorashadii ugu dambaysay wuxuu helay 4%.

Maxaa la filan karaa?
Waxa si weyn loo dhawrayaa inay beelaha darafyadu boodhka iska tumaan oo ay siyaasiyiintoodu isu bahaystaan xisbi ay ku midoobaan Boorama, Laascaanood iyo Badhan. Ragga fikirkaasi hore u sheegay ee aan qarsan waa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Prof. Gallaydh ‘AHN’ iyo Xaglotoosiye. Ololihii tabliiqa siyaasadda ee ay horboodayeen labada aqoonyahan ayaa mar ay Boorama joogeen la weydiiyey sababta saddexda xisbi ay beesha dhexe keligeed u yeelatay? Prof. Samatar ayaa si cadho leh uga jawaabay oo yidhi hadal nuxur ahaan noqonaya, “maxaa u diiday Boorama inay xisbi furato? yaa u diiday? Ma jirto meel loogu diiday inay xisbi furtaan. Hadday hore u dhacday in aanay xisbi lahayn, qorshahaasi waa loo baahan yahay.”
Sidoo kale, siyaasiyiinta Ismaaciil Hurre Buubaa, Dr. Gabboose, Maxamuud Xaashi iyo Cabdicasiis Samaale ayaa laga wadaa inay ka qaybgalaan furista ururrada.

Saameynta Ganacsatada iyo Wadaaddada:
Waxa si weyn loo rajeynayaa inay kaalin muuqata ay ka qaataan furista ururrada dadka shaqaalaha gacanta ku hayaa. Waxa soo bixi doona ururro ay dhaqaale badan ku bixiyaan ganacsatadu ama wadaaddadu oo hadhow ay saameyn dadban ku yeeshaan sida hadda adduunka ka jirta. Xisbiyada ay gacanta ku hayaa ganacsatada dhaqaalaha haysaa waa kuwa ugu xooga badan xisbiyada jira wakhtigan. Dadka lagu laayo hubka fudud ee Maraykanka gudihiisa lagu iibiyo, waxa u taag waayey madaxdii soo martay Maraykanka, waayo, waxa awood xisbiyada ku dhex leh ganacsatada iibisa hubkaasi oo dhaqaale badan siisa xisbiyada Maraykanka. Waxa ay xubno badan ku leeyihiin golayaasha sharci-dejinta Maraykanka. Markaa sharci kasta oo lagu diiday yahay hubkaasi way daadafeeyaan. Waqtigan xaadirka ah adduunka waxa ugu xoog badan hantiilayaasha lacagta haysta.

Waxa qoray Cali Cabdi Coomay, Hargeysa, Somaliland