JOHN BOLTON:WAA IN LA AQOONSADO SOMALILAND

John Bolton oo ahaa Safiirkii hore ee u joogay Maraykanka Qaramada Midoobay, ahna dibloomaasi iyo La Taliyaha Amniga Qaranka dawladii Donald Trump ayaa u sheegay Los Angeles Times in hadii Shiinaha uu la wareego saldhiga militari ee Djibouti, Maraykanka oo aan lahayn saldhig kale, in markaas ay meesha ka baxayso isku dheeli tirnaanta Geeska Afrika.

Taasna ay keenayso in xididada waaweyn ee ganacsiga bada ee Yurub, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ay u wareegi doonaan Shiinaha.

John Bolton waxa uu ku baaqay in la aqoonsado Somaliland, taasna ay tahay ta kaliya ee u banaan Maraykanka.

Hadalka John Bolton, waxa uu imanayaa iyada oo wafdi culus oo ka socda Koongreeska iyo Golaha Guurtida Maraykanka ay ku suganyihiin Hargeisa.

WQ Ahmed Adan