Doodda Sharci ee soo celinta Xeer Lr. 14/2011

Doodda Sharci ee ka taagan Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda (Xeer lr. 14/2011) waxa waa laba:
1. Doodda 1aad waxa ay taabanaysaa Qodobka 77aad ee Dastuurka ee ka tilmaama habka loo raacayo Xeer-dejinta, gaar ahaan muddada Madaxweynuhu kaga jawaabayo (saxeexayo/soo celinaayo) mashruuc sharci oo golayaasha sharci-dejintu u gudbiyeen. Farqada 5aad ee qodobkan waxa ay si toos ah u caddaynaysaa:

– Madaxweynuhu mashruuc-sharci looga soo gudbiyey Baarlamaanka, wuxuu ku saxeexayaa saddex toddobaad (21 maalmood} gudahood, laga bilaabo taariikhda mashruucaas-sharci soo gaadhay xafiiska Madaxweynaha haddii aanu Baarlamaanka dib ugu soo celin.

Ka waran bal haddii Madaxweynuhu muddada saddexda toddobaad ah (21 maalmood) kaga soi jawaabi waayo?

Farqada 6aad ee isla qodobkan waxa ay ka jawaabaysaa arrintaa, waxaanay dhigaysaa
–  Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku saxeexi waayo muddadaas la gooyey ama ku soo celin waayo Baarlamaanka, mashruuc~sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa xeer; waxaana soo saaraya Golaha soo gudbiya.

Su’aasha taagan baa ah haddii Xildhibbaannadii hore meesha ka baxeen, iyadoo muddadii aanay dhammayn. Tusaale ahaan, 20-kii baa muddo xileedkoodii dhammaaday, doorashadiina la codeeyey, xubnihii soo naxayna dhaartii xalaalaynta lama marin, Madaxweynuhu yuu u gudbinayaa?

Waxa dood maangal ah, balse Golaha Barlamaanka ee ka kooban labada aqal ma xildhibaannada uun baa, mise goluhu waa hay’ad haykalka Qarannimo ka mid ah oo aan baabi’in haddii xubnaha metelaadu meesha ka baxo? Haddii Xoghayaha amma Gole ahaan hawlihii socday loo sii gudbiyo, xubnaha yimid ma in ay shaqadii socotay halkaa ka sii wadaan baa mise waa in hawl kasta barbilaw cusub ka bilaabaan baa?

Haddii arrintan loo raacayo tafsiirka-xaraf raacaha ah ee Qodobka 39aad ee qeexa tilmaanta guud ee golaha oo dhigaysa; “Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakil ah dadweynaha; waana Qaybta 2aad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka.”

Iyo haddii tafsiirka ballaadhan la saarayo oo shaqaalaha, qaab-dhismeedka qaran iyo waxyaabaha golaha qeexidiisa ka ratib maayana waa mid taal.

Labadaas waxa ka dhalanaaya, haddii tafsiirka  39aad la saaro oo golihiina xaalad kala guur ku jiro, muddo dhaafka ku yimaada mashaariicda sharci ee madaxweynaha gaadha haddii uu wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobadda qaar qabo, sidee laga yeelayaa?

Haddii tafsiirka ballaadhan la saarayana, waxa sharci noqonaysa in muddadaas lagu taagnaado, maadaama goluhu xubnaha oo kaliya annu ahayn.

2. Dooda la baad waa mid farsamo ah oo Golaha Wakiillada u taal. In xeer duuduub lagu andixiyo iyo qodobada la soo codsaday wax-ka-beddelkooda laga doodo amma dood ba la geliyo mashruuca sharci. Akhri Qodobka 45aad ee Dastuurka amma qodobadda 34aad, 40aad iyo 41aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Waqtigii Ururrada Siyaasadda la furaayey bay taagan tahay iyo Doorashada Madaxtooyada ha la galo horta? Laftoodu doodahay ka mid tahay. Haddii waqtigii ururrada siyaasiga ah la furaayey ay gaadhay sharciyan, doorasho noocee ah bay ku tartamayaam, ilayn waata la galay doorashadii Golayaasha Degaanka ee sharciga muranku ka taagan yahay dhigaayey? Haddii aan uruurradda la furin, axsaabta jirta waqtigii ay haysteen sharcinnimada xisbi wuu dhacay ee haddii doorasho ay sidan ku galaan sharcinnimadeedu siday noqonaydaa? Dhammaan doodahaas waa kuwo u baahan in xal laga gaadho.

By:
Garyaqaan Ibraahim Khadar Siciid, sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda Somaliland