Haweenayda ugu taajirsan Afrika oo loo diiday Fiisaha Maraykanka

Mareykanka ayaa fiisa u diiday Isabel dos Santos, oo ah haweeneyda ugu taajirsan Afrika, iyadoo loo heysto “ku lug lahaanshaha musuqmaasuq baahsan”.

Magaceeda ayaa ka soo muuqday liiska ay soo saartay Waaxda Arrimaha Gudaha, kaas oo ay ku xusan yihiin dadka lagu eedeeyo musuqmaasuqa iyo kuwa wajahaya cunaqabateynta.

Dos Santos, oo 48 jir ah, waa gabadha madaxweynihii hore ee Angola, José Eduardo dos Santos, oo xilka dalkaasi banneeyay sanakdii 2017.

Intii uu madaxweynaha ahaa, waxay madax ka ahayd shirkadda shidaalka ee dalkaas.

Sida laga soo xigtay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Anthony Blinken, Dos Santos ayaa booskeeda u adeegsatay inay musuqmaasuq sameyso iyadoo “si xun u isticmaaleysa lacagta bulshada oo ay ka faa’iidday”.

Warkiisa laguma faahfaahin waxa dhabta ah ee Dos Santos lagu eedeeyay inay sameysay.

Xayiraadaha dal ku galka ee ay soo saartay Waaxda Arrimaha Gudaha ayaa Dos Santos iyo xubnaha qoyskeeda dhowba ka mamnuuceysa inay galaan Mareykanka.

Welise lama saarin xayiraado dhaqaale.

Sanadkii 2013, Forbes ayaa ku dhawaaqday in Dos Santos ay tahay haweeneyda ugu taajirsan Africa, iyadoo hantideeda lagu qiyaasay $3.5bn (£2.6bn). Liiska ayaa laga saaray sanadkii 2020, iyadoo Forbes ay sheegtay in ilaa $1.6bn hanti lagu qiyaasay lagu xayiray Angola iyo Portugal.

Dos Santos ayaase weli la rumeysan yahay in bishii January ee sanadkii hore ay heysatay adduun dhan $2bn. Weriyeyaasha wax baadha ayaa sheegay in haweeneydan ay guryo waaweyn oo qurux badan ku leedahay London iyo Lisbon, iyo sidoo kale $35m gaadhiga yacht oo ay iibsatay iyadoo sii mareysa shirkadda shidaalka ee Shell.

Sanadkii la soo dhaafay, BBC-da ayaa baahisay feylasha muujinaya in hantideeda ay ku heshay iyadoo diiratay dalkeeda islamarkaana ku kacday musuqmaasuq.

Waxay heshay qandaraasyo waaweyn oo dhulka iyo shidaalka a ka heshay iyo sidoo kale dheymanka iyo isgaarsiinta markii uu aabbaheed madaxweyne ahaa.

Feylasha ayaa muujinaya sida iyada iyo seygeda loogu oggolaaday inay iibsadaan hantida dalka iyagoo u maraya qandaraasyo shaki badan laga muujiyay.

Xilligaas Dos Santos waxay sheegtay in eedeymaha ka dhanka ah ay yihiin kuwo gebi ahaanba been abuur ah isla markaana ay yihiin kuwo ay siyaasad ahaan soo maleegtay dowladda Angola.

Kama aanay jawaabin codsi ay BBC-da ku weydiisay inay wax ka tidhaahdo talaabada Mareykanka.

Waa tuma Isabel dos Santos?

• Waa curadda madaxaweynihii hore Angola Jose Eduardo dos Santos

• Waxaa guursatay ganacsade Sindika Dokolo

• Waxay wax ku baratay UK, halkaas oo ay haatan ku nooshahay

• Waxaa la sheegey iney tahay haweeneyda ugu taajirsan qaaradda Afrika, iyadoo haysta lacag dhan $2bn

• Waxay saamiyo ku leedahay shirkado saliid iyo kuwa teleefoonada oo intooda badan ku yaalla Angola iyo Portugal

@Bbc Somali