“Waxaad mooddaa in sharciyada dalkan ay afduuban tahay” C/laahi Darawal

Hargeysa(Berberqnews)-Mujaahid Cabdullaahi Xuseen Iimaan (Cabdullaahi Dareewal) oo ka mdi ah siyaasiyiinta Somaliland iyo xubno ka mid ahaa SNM iyo aqoonyahanno, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu sharciga dalka dhowro.

Xubanaha aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ka digayin sharciga dalka la baalmaro.

Siyaasi Cabdullaahi Xuseen Iimaan, ayaa si adag u  sheegay in xeerka ururada siyaasadu ku muddo dhaafay xafiiska Madaxweynaha, “cid walaba oo ehel u ah sharciga waxay qirtay in sharcigaasi hirgalay, ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in Baarlamaanku yahay Hay’ad ka mid ah hay’addaha qaranka, sidaa awgeed ay ahayd Madaxweynuhu inuu xeerka xilligii uu sharcigu siiyay dib u celiyo gollaha oo xoghayntu ka qaban lahayd wuxuu ahaan lahaa sharci, laakiin waqtigii wuu dhacay oo sidaa ayuu sharcigaasi ku meel maray, ayuu yidhi, Cabdullaahi Xuseen Iimaan.

“Waxaad mooddaa in sharciyada dalkan ay afduuban tahay oo kolba ciddii meesha timaadaa siday doonaan u galaan.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay xubnaha gollaha wakiillada ee dhowaan la doortay, wuxuuna xusay in ay aad ugu han weynaayeen oo ay u arkayeen in ay la imanaayan siyaasad cusub iyo isbedel.

“Waan u han weynayn xubnaha cusub ee Baarlamaanka, waxaan filaynay in ay la imanayaan siyaasad cusub iyo isbedel, kamana ciil janbsanin weli, waxaanse usoo jeedinayaa in ay dalka sharciyadiisa ku sugaan oo dalka loo fekero,” ayuu yidhi, Cabdullaahi Dareewal.

Sidoo kale, waxa ka hadlay arrimahaa xubno kale oo ay ka mid yihiin Prof, Cabdisalaan Yaasiin, Prof. Cabdi Cali, Mujaahid Axmed Gaydh iyo Isxal oo ka mid ahaa halgamayaashii SNM.

Prof. Cabdisalaan Yaasiin, ayaa sheegay in Dastuurka iyo xeerarka dalka loo baahan yahay in la ixtiraamo, “Madaxweynuhu 53 maalmood kaddib ayuu soo celiyay xeerka, mana aha sharci.” Ayuu yidhi.

Berberanews.com
Info@berberanews.com