Soomaaliya: Xildhibaanno ku dhaawacmay qarax culus oo ka dhacay Jowhar

Jowhar – Ilaa hadda inta la xaqiijiyey dhowr qof ayaa ku dhintay, tiro kale oo ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan maamul-goboleedka Soomaaliya ee Hirshabeelle ayaa ku dhaawacmay qarax culus oo ka dhacay magaalada Jowhar wax yar kadib salaaddii casar ee maanta.
Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa nooca dhulka lagu aaso, ayaa ka dhacay maqaaxi ah oo shaaha laga cabbo kuna taal xaafadda Kulmis ee magaalada Jowhar, waxa dadka ku dhaawacmay ka mid laba xildhibaan oo la kala yidhaa Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabdulqaadir Karaani, mid ka mid ah nabaddoonnada magaalada Jowhar iyo ruux oo shacab ah.


Warku waxa uu intaas ku daray, inuu jiro khasaare intaas ka badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, maadaama goobta qaraxu ka dhacay ay xilligaas ku sugnaayeen dad badan.
Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo hay’adaha ammaanka ee maamul-goboleedka Hirshabeelle ee dalka Soomaaliya ka soo saareen qaraxa ka dhacay magaalada Jowhar oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid aad u xooggan.
Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaas.