Austria: Tobanaan kun oo dhigay mudaharaad ka dhana tallaalka Covid-19

Australia-(Berberanews)-Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay caasimadda Austria ee Vienna si ay uga mudaaharaadaan tallaallada Covid-ka ah ee qasabka ah iyo amarada guryaha lagu xidho.

Booliisku waxay sheegeen in dad lagu qiyaasay 44,000 ay ka soo qayb galeen mudaaharaad sabtidii, oo ahaa kii ugu dambeeyay mudaaharaadyadii waaweynaa ee usbuucii dhamaaday tan iyo bishii hore,  Austria waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee Midowga Yurub ee qasab ka dhigay tallaalka.

Xayiraadda qayb ahaan tan iyo bishii hore waxay dhammaanaysa Axadda kuwa la tallaalay, laakiin kuwa aan helin qiyaasihii loo baahnaa waa inay guriga ku jiraan.

Tallaalku waxa uu waajib ku noqonayaa laga bilaabo February dhammaan dadka ka weyn 14 jir, marka laga reebo xaalado caafimaad.

Qofna laguma tallaali doono xoog, dowladdu waxay tidhi, laakiin kuwa diida tallaalka waa inay bixiyaan ganaax bilow ah oo dhan 600 euros (£ 510), kaasoo markaa kordhi kara ilaa 3,600 euro haddii aan la xallin.

Berberanews.com
Info@berberanews.com