Colaadda Itoobiya oo la saadaaliyey inuu isu beddelay dagaal sokeeye iyo saamaynta xasilloonida Gobolka Geeska

Addis Ababa-(Berberanews)- Colaadda ka aloosan gobolka Tigray ee woqooyiga waddanka Itoobiya, ayaa la saadaaliyey inay haatan isu beddeshay dagaal sokeeye oo halis ku ah inuu kala jarjaro dalkaas, sidoo kalena uu xasilloonni darro geliyo gobolka oo dhan.
Fallaagada TPLF ayaa dhanka koonfureed ee gobolkaasi waxa ay ka soo qaadeen guluf ku beegan caasimadda Addis Ababa, taas oo ka cadhaysiisay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed – oo ku guulaystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize-ka, horena kornayl uga soo noqday ciidammada dalkaasi – arrintaas oo ku qaadday inuu jiidda hore ee dagaalka ku hoggaamiyo ciidammada qaranka.

Xiisadda sare u sii kacaysay ayaa ku dhalisay muwaaddiniinta reer Galbeedka iyo shaqaalaha aan aasaasiga ahayn ee ajaanibka ee Qarammada Midoobay inay dalkaas isaga baxaan, iyagoo sheegay in xaaladda ammaanka ee dalkaasi ka sii darayso.

Markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee 1970-yadii iyo 1980-yadii, Itoobiya waxa ay noqotay mid ka mid ah dalalka Afrika ee uu dhaqaalahoodu sida degdegga ah u kobcayo, waxayna astaan u noqotay deganaanshaha gobolka.

Haseyeeshee, colaadda dadka badan ku dhinteen ayaa haatan waxay ka soo baahaysaa gobolka ay Tigray-gu ku xooggan yihiin halkaas oo ah goobta uu dagaalku ka bilowday, iyadoo la isla soo galay gobolka Amxaarada ee wiqooyi-galbeed iyo kan Canfarta ee waqooyi-bari.

Guulaha ay dhowaan ciidammada dawladda federaalku ka sheegteen jiidda hore ee dagaalka ayaan wax badan ka beddelin cabsida dagaalka sii kordhaya ee ay ku dhinteen kumannaanka qof ayna ku barakaceen malaayiinta qof.

Soo laabashadii labaad ee TPLF:

Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF), ayaa sheegtay in weerarka ay ku ekaysay dhinaca koonfureed ee gobolka Tigray ay ku doonayso inay dawladda federaalka cadaadis ku saarto inay go’doominta ka dulqaado gobolka Tigray, arrintaas oo xaddiday isgaadhsiinta iyo galaangalka dadka deegaankaasi u leeyihiin gargaarka bini’aadamnimo.

Si kasta ha ahaatee, maamulka Abiy Axmed ayaa fallaagada ku eedeeyey inay doonayaan inay si xoog ah ku beddelaan maamulkiisa, arrintaas oo dib u soo noolaysay cabsida laga qabo in TPLF doonayso inay dib u soo laabato awoodda.

TPLF ayaa awood buuxdo ku lahayd siyaasadda Itoobiya muddo 27 sannadood ah kaddib markii kacdoon midka haatan oo kale ah ay ku ekaysay dawladdii Shuuciga ahayd sannadkii 1991.

Xukunkoodu waxa uu horseeday maalgashi ballaadhan oo dhanka kaabbayaasha dhaqaalaha ah, taas oo sare u qaadday dhaqaalaha Itoobiya, laakiin waxa hadheeyey cabbudhin lagu hayey shacabka iyo siyaasiyiinta.

Arrinta dambe ayaa horseedday dibadbaxyadii caanbaxay ee lagaga soo horjeeday dawladda ee awoodda uu kula wareegay Abiy Axmed bishii April ee 2018, markaas oo uu soo bandhigay isbeddello dhinacyada bulshada, siyaasadda iyo ammaankaba.

Markii ay cududda dagaal kala hortagtay dawladda, ayaa TPLF waxay samaysatay isbahaysi ay ku doonayso inay ku ballaadhiso awoodeeda dagaal, ayna ku xoojinayso hufnaanteeda kaddib markii ay badhitaareen dhowr xisbi oo ka soo kala jeeda qoomiyado kala geddisan oo ka soo horjeeda ra’iisul wasaaraha.

Hub urursi isa soo taraya:

Dagaalka ayaa bilowgii hore u dhexeeyey ciidammada TPLF iyo milateriga federaalka oo ay badhitaarayaan ciidammada gacansaarka la leh ee Amxaarada iyo ciidammada Eritrea.

Hoggaamiyayaasha TPLF ayaa muddo toddobaadyo gudahood ah xilkii loogaga tuuray, hase yeeshee kacdoon ayaa ka bilowday qeybaha shishe ee gobolka Tigray, arrintaas oo sii xumaysay xaaladda bini’aadamnimo ee markii horeba liidatay. In ka badan 90% dadka gobolkaas ku nool – ku dhawaad 5.2 milyan oo qof – ayaa u baahan gargaar degdeg ah, sida ay Qarammada Midoobay qiyaasayso.

Kumannaan qof ayaa u qaxay dalka dariska ah ee Suudaan – kaas oo laf ahaantiisu la daalaa dhacaya afgambi millateri.

TPLF ayaa bishii June waxa ay waqti ku habboon u qabteen dib u qabsashada caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, markaas oo Itoobiya ka dhursagaysay natiijooyinka doorashadii la qabtay, iyagoo fallaagadu sidaasi u sameeyey inay liidaan awoodda sharciyeed ee Abiy.

Xilligii ay fallaagadu xoogga ku galayeen gobollada ka baxsan Tigray, malleeshiyaadka gobollada qoomiyad ahaan la jira dowladda federaalka oo ay ku jiraan Soomaalida iyo Oromada, ayaa dagaalka ku biiray.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa si joogta ah ugu baaqayey shacabka inay hubka qaataan oo ay ka hortagaan in fallaagadu samaystaan ciidammo adag oo sharciyad hela.

“Waa masuuliyad ina wada saaran inaan u dhimanno Itoobiya. Sidaa daraadeed, dadkayaga waa in haatan ay meel iska dhigaan arrimaha shaqsiyadeed oo ay si sharci ah isu abaabulaan oo ay la soo baxaan wax kasta oo hub ah oo ay heli karaan si ay uga hortagaan oo ay u aasaan argagixisada TPLF, kuwaas oo wada hawlo kharbudaad ah,” ayuu Abiy ku yidhi bayaan ay tirtirtay shirkadda Facebook-ga 4-tii Nofembar, iyadoo markaas lagu eedeeyey in qoraalkaasi uu kicin ahaa.

Wajiyo hore iyo isbahaysiyo cusub:

Hammiga waddaniyadda ee Mr Abiy waxa loollan adag galiyey nidaamka federaalka Itoobiya ee ku salaysan qoomiyadaha uu muranku u dhexeeyo, kuwaas oo lagu dhowray dastuurkii 1994. Walow uu isku dayay inuu tobannaan kooxood oo qoomiyado ku salaysan siiyo ismaamul sare, ayaa haddana qaar ka mid ah bulshooyinka laga tirada badan yahay waxay sii wadeen inay riixaan madaxbannaani ay helaan tan iyo markii uu awoodda la wareegay Abiy Axmed.

Bishii August, TPLF ayaa waxa ay isbahaysi la samaysatay fallaagada Ciidammada Xoraynta Oromada (OLA) oo ka soo jeedda qowmiyadda ugu badan Itoobiya, taas oo muddaba ay liidayeen maamulladii hore ee dalkaasi.

Mr Abiy ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee ka tirsan bulshada Oromada ee qabta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Hase ahaatee, kaddib markii dawladdu xidhay dhowr siyaasi oo mucaarad ah oo muhiim ah oo ka tirsan bulshada Oromada, ayaa OLA waxa ay bilowday inay si xooggan u mucaaraddo ra’iisul wasaaraha.

Isbahaysiga ay OLA la gashay TPLF ayaa horseeday in dagaalyahannada fallaagada TPLF ay qabsadaan magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amxaarada – oo ay ku jiraan Kemise, Dessie iyo Kombolcha – xilligii ay ku wajahnaayeen magaalada caasimadda ah.

Dawladda Itoobiya ayaa muddo kaddib ku dhawaaqday inay dib u qabsatay qaar ka mid ah magaalooyin ay hore ula wareegeen fallaagada.

Dalabaadka wadahadallo aan hore u socon:

7-dii Nofembar, ergayga Midowga Afrika, madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, ayaa rajo ka muujiyey in dhinacyada dagaallamaya ay wadahadal u furan yihiin.

Hasayeeshee, fallaagada iyo ra’iisul wasaare Abiy ayaa sii waday inay isa sii colaadiyaan.

“Waxa laga adkaaday millaterigii rasmiga ahaa ee fashiistaha. Sidaa daraadeed, waxa ay sugaysaa oo kaliya in la aaso sida kaligii taliyayaashii kale, arrintaasna dhowaan ayey dhacaysaa,” hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa ku yidhi bayaan uu soo saaray laba maalmood uun kaddib markii uu la kulmay ergayga Midowga Afrika.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo arrintaasi gaashaanka u daruuray ayaa sheegay in fallaagada “dhawaan la dili doono.”

Dhanka kale, waxa wiiqmay cadaadiska gobolka iyadoo baaqyadii wadahadalka ee caalamiga ahaa lagu gacan-saydhay oo lagu tilmaamay faragelin.

Dhexdhexaadnimada Midowga Afrika oo fadhigiisu yahay Itoobiya, ayaa laf ahaantiisa su’aal la galiyey, kaddib markii bishii August war la soo dhigay barta rasmiga ah ee ururkaasi ku leeyahay Twitter-ka, kaas oo markii dambe la tirtiray, lagu dhaleeceeyey wadahadallada uu ku baaqayo Mareykanka.

Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo Mareykanka iyo wadammada reer Galbeedka iyo warbaahinta shisheeya ayaa ku soo badanayey magaalada Addis Ababa iyo bulshooyinka qurba joogta Itoobiyaanka ah.

“Dadka doonaya inay gudaha dalkayaga wax noogu yeedhiyaan oo ay nagu hagaan borobagaando dhaqaale, diblomaasiyad iyo warbaahin ama dagaal maskaxeed waxa ka adkaan doona awoodda midaysan ee dadka Itoobiya,” ayuu yidhi Abiy bishii November ee la soo dhaafay.