Somaliland: Xuska Maalinta Xasuuqa Adduunka

Hargeysa-(Berberanews)-Iyadoo maanta ay tahay maalinta caalamka laga xuso karaamada dadkii ku dhintay xasuuqyadii adduunka ka dhacay, ayay Somaliland la qaynsatay dareenkaas mid la mid.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay ku biirtay dedaallada lagula dagaallamayo colaadaha sababa xasuuqyada.

Sidaana waxaa lagu baahiyay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland, kasoo lagu yidhi sidan:

“Somaliland waxa ay xustaa kumannaankii qof ee aan waxba galabsan ee la xasuuqay muddadii uu jirtay Taliskii Siyaad Barre. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay inay ku biirto dedaallada lagula dagaalamayo, lagagana hortagayo dhammaan colaadaha sababa xasuuqyada”.

https://www.berberanews.net/2011/05/20/maraykanka-holland-itoobiya-jabuuti-iyo-mudanayaal-ka-tirsan-baarlamaanka-ingiriiska-oo-hambalyo-rasmi-ah-u-soo-diray-somaliland/

Berberanews.com
Info@berberanews.com