Maraykanka, Holland, Itoobiya, Jabuuti iyo Mudanayaal ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo Hambalyo Rasmi ah u soo Diray Somaliland

Hargeysa (Berberanews/Jam)- Wadamada Maraykanka, Holland, Itoobiya, Jabuuti iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, ayaa si rasmi ah Jamhuuriyadda Somaliland ugu hambalyeeyey maalinta madaxbannaanida 18 May iyo xuska dabbaaldegfa 20-guurada ka soo wareegtay dib-ula soo noqoshada xorriyadeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay in dalalka Maraykanka, Holland, Itoobiya iyo Jabuuti iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Ingiriisku ay si rasmi ah Somaliland ugu hambalyeeyeen maalinta madaxbannaanida, isaga oo xusay inay jiraan dalal kale oo Somaliland saaxiib la ah oo iyagu hambalyooyin kala duwan soo gaadhsiiyey, kuwaasoo dawladda iyo shacbiweynahaba ugu hambalyeeyey sannad-guuradooda 20aad iyo xasilloonida taamka ah ee ay ku naaloonayaan.
“Waxa jira waddamo Somaliland u soo diray hablayo rasmi ah oo ku saabsan maalinta madaxbannaanida 18 May, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Holland, Itoobiya, Jabuuti iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, waxaanay dhammaantoodba Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyeen guulaha kala duwan ee ay gaadhay muddada 20-ka sanno ah ee ay jirtay, waxa kale oo jira dalal Somaliland saaxiib la oo badan iyo ururo kale oo hambalyeeyey maalinta qaranimada,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Dhinaca kale, Wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa isaguna inay shacbigu wax weyn qabsadeen muddada 20 ka sanno ah ee ay jireen, balse ilaa hadda sugaaan beesha caalamka.
“Muwaaddiniintu waxay aaminsan yihiin inay wax badan qabsadeen, laakiin ilaa hadda Somaliland waxay sugaysaa beesha caalamka, waxaannanu doonaynaa in aanu nabadgelyo kula noolaanno dalalka jaarka,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.
Wasiirkii hore ee difaaca ee Jabuuti Mr. Ougoureh Kifle Axmed oo hoggaaminayey wefti reer Jabuuti ah oo Hargeysa u yimi ka qaybgalay xuska 18 May, ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in aqoonsiga Somaliland yahay suurtogal, waxaannu xusay in madaxbannaanida Koonfurta Suudaan ay fursad fiican u tahay Somaliland.
Mr. Ogoureh Kifle Axmed oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Albaabku wuu u furan yahay fursad kasta oo isbeddel ku keeni karta xuduudihii hore ee qaaradda Afrika, taasina jaanis bay u tahay Somaliland.”
Dadweynaha reer Somaliland ayaa Arbacadii si ballaadhan ugu dabbaaldegay maalinta qaranimadda ee 18 May, iyada oo magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo waddamo badan oo caalamka laga dhigay mudaharaadyo iyo isu soo baxyo beesha caalamka lagaga dalbanayo aqoonsiga Somaliland.
Wasiirkii hore ee Gaashaandigga dawladda Maraykanka Mr. Donald Rumsfeld, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyey dabbaal-degga xuska sannad-guurada 20aad ee ka soo wareegtay dib-ula soo noqoshada madaxbannaanideeda oo ku beegnayd maalintii shalay ee taariikdu ahayd 18 May 2011, isagoo sida lagu baahiyey wargeyska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska uu sheegay inuu aqoon fiican u leeyahay Somaliland, isla markaana fahamsan yahay jawiga siyaasadeed, dimuqraadiyadeed iyo ammaan ee ku gedaaman Somaliland.
Geesta kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa beesha caalamka u kala dirtay qoraal isugu jira garnaqsi iyo dalab aqoonsi siyaasadeed oo loo fidiyo.
Qoraalkan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, loona kala diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxa Golaha Ammaanka UN-ka, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Madaxa Midowga Yurub, Xoghayaha Guud ee Urur-goboleedka IGAD iyo Jaamacadda Carabta oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay xalay, waxa si qoto-dheer loogaga warramay taariikhda 20kii sannadood ee u dambeeyey ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarka, dhaqaalaha, ammaanka iyo hannaanka dimoqraadiyadeed ka hirgalay, si qurux badanna loogula kala wareegay hoggaanka dalka oo aan noociisu ka jirin inta badan qaaradda Afrika iyo waddamo kale oo adduunka ah iyo weliba sababaha beesha caalamku uga dhega-adaygayaan tixgelinta xaqa aaya-ka-tashiga ummadda Somaliland.
Waxa kaloo qoraalka garnaqsiga iyo codsiga xambaarsan ee Somaliland u dirtay beesha caalamka lagaga hadlay xaaladda ammaan-darrada ka jirta dalka Soomaaliya, isla markaana shacabka iyo dawladda Somaliland-ba aad uga xun yihiin dhibaatada walaalahooda Soomaaliya haysata, diyaarna u yihiin inay ku taageeraan wixii khibrad iyo waayo-aragnimo ah ee ay ku dhaamaan ku kordhiyaan si xal looga gaadho mushkiladda ka aloosan Soomaaliya.
“Sidaa darteed, waa in caalamku fahmaan in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan wadahadal laga geli karin, weligayana ma illaawi doono wixii nagu dhacay 1960kii markii aannu sida mutadacnimada ah ugu biirnay Soomaaliya, iyagoo shacabka Somaliland soo ceshada xorriyadooda ku bixiyey naf iyo maalba, waxayna diyaar u yihiin inay difaacdaan xuduudaha qarankooda sida dal kastoo adduunka ka tirsan,” ayaa lagu yidhi qoraalka xukuumadda Somaliland u kala dirtay adduunka.