Taliyihii Difaaca Hindiya iyo xaaskiisii oo ku geeriyooday shil diyaaradeed

Hindia-(Berberanews)-Taliyaha difaaca ee Hindiya General Bipin Rawat, xaaskiisa, iyo 11 qof oo kale ayaa ku dhintay ka dib markii diyaarad helikobter ah oo ay la socdeen ay ku burburtay koonfurta gobolka Tamil Nadu, sida ay sheegeen ciidamada cirka Hindiya (IAF).

IAF waxay ku sheegtay barta Twitter-ka ee “shilka naxdinta leh” wuxuu ka dhacay meel u dhow magaalada Coonoor duhurnimadii maanta.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Mi-17V5 oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ka soo duushay saldhig ciidamada cirka ay ku leeyihiin kuna sii jeeday kulliyadda shaqaalaha difaaca. Lama oga sababta keentay shilkan diyaaradeed, waxaana maamulka uu sheegay inay fureen baadhitaan.

Ciidanka cirka ayaa sheegay in hal sarkaal oo lagu magacaabo Kabtanka kooxda Varun Singh uu badbaaday laguna daweynayo isbitaal militari

Berberanews.com
Info@berberanews.com