Maxkamad ku taal Bangaladesh oo dil toogasho ku xukumtay 20 arday

Bangaladesh-(Berberanews)-Maxkamad ku taal dalka Bangladesh ayaa 20 arday jaamacadeed ah ku xukuntay dil toogasho ah, shan kalena xabsi daa’in, kadib markii lagu helay inay dileen arday ay isku mid ahaayeen oo dowladda ku dhaliilay baraha bulshada.

Abrar Fahad, oo ah 21 jir dhigata fasalka labaad ee jaamacadda caanka ah ee Bangaladesh University of Engineering and Technology (BUET) ayaa oo ay dileen 7-dii Oktoobar, 2019 25 arday oo BUET ah oo xubin ka ahaa Chhatra League, garabka ardayda Xisbiga talada haya ee Awami League.

Dilkan ayaa dhaliyay mudaaharaadyo ballaadhan oo ay sameeyeen ardayda dhigata, iyadoo kumannaan kun ay isugu soo baxeen waddooyinka dalka oo dhan si ay u dalbadaan caddaalad.

Garsoore Abu Zafar Md Kamruzzaman oo ka tirsan Maxkamadda Dhaka Speedy Trial Tribunal-1 oo ku dhawaaqay xukunka Arbacadii ayaa yidhi: “Maxkamaddu waxa ay siisay ciqaabtii ugu sarraysay si aanay mar kale u soo noqon dhacdadan foosha xun.
“Waxaan dareensanahay in aanan ka labalabeyn in aan isticmaalno seefta caddaaladda sida ugu daran, si buuxda iyo ilaa dhammaadka, haddii culeyska dembigu uu sidaas dalbado,” garsooraha ayaa ku daray.

Aabaha dhalay Fahad Barkat Ullah ayaa saxaafadda ugu sheegay bannaanka hore ee maxkamadda in uu “ku faraxsan yahay” xukunka. “Ma soo celinayo wiilkayga laakiin xukunkani waa ugu yaraan nooc ka mid ah tacsida qoyska,” Ullah ayaa yidhi, “Waxaan rajeynayaa in [la xukumay] dhawaan lagu ciqaabi doono waxay sameeyeen,” ayuu yidhi.