Dawladda Somaliland oo bilowday diiwaangelinta ganacsiyada Online-ka ah

Hargeysa -(Berberanews)-Magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa si rasmi ah uga bilaabmay maanta qorshe lagu diiwaangelinayo ganacsiyada online-ka ah iyo bixinta liisamada ganacsiga noocaas ah.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland oo faahfaahin ka bixisay adeegyadaas, ayaa sheegtay in ujeeddadu tahay in ganacsiyadaasi bixiyaan cashuuraha ku waajibay, sidoo kale iyaguna helaan adeegga ay u baahan yihiin, sida fududaynta hawlahooda ganacsi iyo in ay xor u ahaadaan tartanka suuqyada.