Burundi: Masiibo dab oo galaafatay 38 qof oo maxaabiisa

Burundi-(Berberanews)-Ugu yaraan 38 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xabsi ku yaalla dalka Burundi.

Madaxweyne ku xigeenka Prosper Bazombanza ayaa warbaahinta u sheegay in dabku uu qabsaday dhismaha xabsi buux dhaafay oo ku yaala caasimadda Gitega, iyadoo ugu yaraan 69 qof ay ku dhaawacmeen.

Sawirro lagu faafiyay baraha internetka ayaa muujinaya dhismo uu dab ka kacayo iyo meydad badan oo la sheegay in ay ku jiraan maxaabiis xabsiga ku jirta. “Runtii waa masiibo,” mid ka mid ah maxaabiista ayaa BBC-da ugu sheegay khadka taleefoonka.

“Waxaan dhihi lahaa ku dhawaad ​​90% hoolalka hurdada ayaa gubtay.” Wariye ku sugan gudaha xabsiga ayaa BBC-da u sheegay in kalkaaliyaal ka tirsan isbitaalka Gitega ay gudaha u galeen xabsiga si ay u caawiyaan dhibanayaasha, iyagoo sheegay in ay soo saarayaan meydadka iyo dhaawacyada.

“Waxaan bilownay in aan ku qeylino inaan nolosha ku gubanaynk markii aan aragnay dabka oo aad u kacaya, balse booliiska ayaa diiday inay furaan albaabada gurigayaga, waxayna dhaheen kuwani waa amarradii nasoo gaadhay,” ayuu yidhi mid ka mid ah maxaabiista oo la hadlay AFP.

“Ma garanayo si aan u baxsado, balse waxaa jira maxaabiis gebi ahaan  gubtay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Goob joogayaal ayaa AFP u sheegay in dabka hadda la xakameeyay. Isagoo awood u leh 400 oo maxbuus, xabsiga Gitega waxa uu hayay 1,539 maxbuus bishii hore, sida uu sheegay ururka Christian Association Against Torture (ACAT-Burundi).
Qoraal ay soo dhigtay Tweeter-ka wasaaradda arrimaha gudaha Burundi ayaa lagu sheegay in wareeg gaaban uu dabku ka kacay.
Bishii Augost, dab kale ayaa ka kacay isla xabsigaas, kaas oo mas’uuliyiinta ay sidoo kale ku eedeeyeen dhibaatooyinka korontada.

Berberanews.com