Filimka ‘Xaaska xafaariga’ oo kaalinta koowaad u galay Abaalmarinta Afrika

Oscar-(Berberanews)-Waxaa maalintii axadda 28.11.2021 la soo gabagabeeyey Oscarka filimada qaarada Afrika, ee loo soo gaabiyo AMAA (African Movie Academy Awards) iyadoo lagu qabto kolba dalka mida dalalka afrika iyadoo horay loogu qabtay dalalka ay ka midka yihiin South Afrika iyo Masar.

Oskarkan oo ah ka kaliya ee heer caalami loo aqoonsanyahay ayaa waxaa loo soo diray in ka badan 1000 filim oo ka kala socda qaaradda Qfrika, ugu danbaynna ay finalka isugu soo baxeen sideed filim oo kala socda dalalka, South Africa, Namibia, Uganda, Tanzania. Kenya, Nigeria, Tunisia, iyo Soomaliya.

Waxaa goobtan oo si wayn loo soo agaasimay ku sugnaa madax, wasiiro, jilayaal, iyo heesaayaal caan ah oo kala socday guud ahaanba qaarada afrika.

Haddaba filimka ‘Xaaska xafaariga’ oo isagu ka socday Soomaaliya ayaa ku garaacay filimada dalalka waawayn oo ay ka mid yihiin South Afrika iyo Nigeria. Filimkan ayaa ku guulaysaytay filimka sannadka ee Afrika halka jilaaga koowaad ee Filimkan Omar Abdi loo aqoonsaday Jilaaga sannadka ee afrika sidoo kale filimku wuxuu ku guulaystay filimka ugu luuqada wanaagsan iyo laba kaalmood oo kale.  Sidaana uu filimku ku helay shan abaalmarin, isaga oo qaatay abaalmarinada kuna noqday Filimka sannadka ee Afrika.