Saddex qof oo macaluul ugu dhintay Kismaayo iyo duruufaha abaarta

Kismaayo-(Berberanews)-Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa gaajo iyo harraad ugu dhintay Kismaayo.

Saddexda qof oo kala ah, laba caruur ah iyo qof waayeela, ayaa ugu geeriyooday gaajo iyo harraad deegaanka Cabdaalla Biroole ee Galbeedka Kismaayo.

Deegaanka masiibadu ka dhacday waxaa buux dhaafiyyay qoysas oo abaartu saamaysay oo xoolahoodii ki waayay, kuwaasoo ku jira xaalad qallafsan oo halis ugu jira geeri.

Halkan ka dhegayso warbixin wariyaha VOA ee Kismaayo, Aadan Maxamed Salaad kasoo diray deegaankaas.