Maxaad u jeceshahay Shah Rukh Khan?”

Su’aashaas ku saabsan xidigga Bollywoodka ayaa uu weriye ka tirsan BBC-da qaybta Hindiga hordhigay labo saaxiibbadii ah dhawaan. Aad bay ula yaabeen – ma ahayn su’aal ay weligood ka fikireen. Midna jawaab kama uu helin, laakiin buug cusub oo la yidhaahdo, Desperately Seeking Shah Rukh, ayaa sababay in uu su’aashan u kuurgalo.

Dad badani waxay yidhaahdeen waxa aannu u jecelnahay waayo waa “mid soo jiidasho leh” kuwo kale waxay ku sheegeen “in uu si gaara u saameeye” kuwa kale waxay ka helaan “geesinnimidiisa, qosolkiisa iyo waraysiyada layaabka leh ee uu bixiyo iyo weliba sida oo kale sida uu sumcaddiisa iyo lacagta u sameeyo”

“Waa run! Waxaan isaga u jecel nahay jacaylkiisa dumarka!” Mid ka mid ah dadkii wax lagu weydiiyey ayaa ku dhawaaqday.

Taasi waa xaqiiqdii ay heshay qoraaga Shrayana Bhattacharya markii ay waydiisay isla su’aal tan oo kale ah tobannaan dumar ah, dhammaanna wada ahaa taageerayaasha Khan.

Tani ma ahayn sahamin degdeg ah. Waa baadhis socotay ku dhawaad labaatan sano oo ka timi kulanno, wada-sheekeysi iyo fadhiyo lala yeeshay ashkaas, kooxo iyo dumar badan oo ku sugan waqooyiga Hindiya. Waxay kala ahaayeen Hinduus, Muslim iyo Christian, dad shaqeeya iyo kuwo aan shaqayn. Waxayna dhammaantood ka midaysnaayeen in ay u ahaayeen taageere Khan.

Khan wuxuu fagaarayaasha dalka Hindiya ku baahay 1990-meeyadii, isaga oo ay la socdaan Coca-Cola iyo habka casriga ah TV-ga ee lagu magacaabo Cable, taas oo caddayn u ahayd wakhti cusub, markii dib-u-habeyn dhaqaale ay Hindiya samaysay isuna furtay adduunka – lana gaadhay wax xorriyad lagu tilmaami karo.

@GETTTY IMAGES

Qoraaga buuggani waxay sahamin ku samaynaysay xaafadaha isku raranta ah ee galbeedka Hindiya 2006dii markay ogaatay inay ku caajiseen su’aalaha caadiga ah ee ku saabsan mushaharka iyo noloshooda kale. Hadaba xili nasasho ah ayay bilawday in ay la sheekeysato iyada oo waydiinaysa halyeyga ay aadka ugu jecel yihiin Bollywoodka.

“Waxay aad u xiisaynayeen inay ka hadlaan waxa iyaga farxad gelinaya iyo waxaan farxad gelinayn Shah Rukh.”

Maxaa u diiday in wiilal iyo rag badan ay la mid noqdaan Shah Rukh-ga shaashada? ayaa ka mid ahayd weedhaha haweenkaa ay ku waraysatay buuggeeda.

Daacadnimada dhabta ah ee Khan iyo geesinimada ayaa calaamad u ah in uu yahay nin si dhab ah u fiirsada, dhab ahaantiina u dhagaysta haweenka. Waxaana markasta doorarka filimaanta uu jilaa ay noqdaan kuwo lammaane ku habboon oo ay jeclaystaan haweenka. Nuglaanta, sida uu u muujiyo dareemada iyo isdhuldhigga ka dhex muuqda aflaamtiisa, waxay ka dhigeen shakhsiyad ku cusub Bollywood-kaas oo si gaar indhaha dadku ay u hayaan.

Waxaana dad badan carruurtooda wiilsha ah u sheegaan in haweenka ugu dabacsanaadaan sida Khan oo kale, ayay sheegtay qoraaga buugga.

Dilwale Dulhaniya Le Jayenge waxa uu ahaa mid ka mid ah filimaata gadmay ee ugu waaweyn aflaamta Khan lagana yaabo in uu yahay filimka Bollywoodka ee dhanka jaceylka loogu jecelyahay.

@GETTY IMAGES

Aflaamta Khan waxay u yihiin bulshooyinka faqiirka ee Hinidya mid ka leexiya walaaca nolosha oo ay kaga nastaan qalbi jabka iyo cadaalad darada maalinlaha ah.

Kuwo badan ma helaan lacagta ay ku daawan lahaayeen aflaamtiisa kolka ay cusub yihiin ee masraxa saaran yihiin, waxaa se ay isku madadaaliyaan heesihiisa.

“Aad bay ugu adag tahay haweenku inay kaliya ku raaxaystaan ama dhegaystaan ​​hees ama inay daawadaan jilaa gaar ah,” Ms Bhattacharya ayaa tiri. “Markii haweeneydu ay tidhaahdo waxaan jeclahay jilaa hebel, waxay sheegaysaa inay jeceshahay qaabka ninku u egyahay, taas oo ay badanaa ka baqaan in lagu dacaayadeeyo.”

Haween badan ayaa ka dhexraadiya dabeecadihiisa ragga ay baranayaan, waxaana uu yahay astaan ay ku xushaan ninka isaga oo kale ah.

Mid ka mid ah haweenka ayaa sheegtay in Khan uu baray Ingiriisi ka wanaagsan tii ay taqaannay kolka ay daawanaayo wareysigiisa. Xataa kuwo kale ayaa af Hindiga ka barta.

Ms Bhattacharya ayaa sheegtay inuu sidoo kale yahay halyey waqtigiisii si la yaab leh u qaatay- wax badana ay iska bedeleen tan iyo markii uu soo galay Bollywoodka.

“Haweenka da’da yar ma rabaan inay guursadaan Khan oo kale qaarkood, waxay rabaan inay isaga noqdaan – waxay rabaan madax-bannaanidiisa iyo guushiisa.

@Bbc Somali