Saamaynta ka dhalatay gabadh surwaal iyo shaadh Hargeysa ku dhexmartay

Hargeysa-(Berberanews)-Baraha bulshada ee Soomaalida ayaa waxaa la hadal hayaa gabar fiidnimadii Arbacada Hargeysa dhex martay iyadoo xiran surwaal iyo shaati. Gabadha ayaan magaceeda la shaacin, balse dhalisay hadal hayn badan o dhinaca baraha bulshada ah.

Qeyb kamid ah dadka ku sugnaa wadada ay maraysay gabadha ayaa la arkayay iyagoo ku xoomay, waxaana sida uu sheegay booliska Hargeysa u gurmaday gabadha oo nafteeda badbaadiyay askarta ammaanka.

Booliska ayaa beeniyay warar sheegayay inay gabadha u taxaabeen xabsiga, balse taa bedalkeeda waxa ay ku doodeen inay ka badbaadiyeen khatar uga iman lahayd dad shacab ah oo ka gadooday labiskeeda.

Haddaba dood xooggan ayaa ka dhalatay labiska gabdhaha loo oggol yahay ee ay bulshada ku dhexmari karaan, waa kuwa qaar kamid ah dadka doodda ka aragti dhiibtay.

Dadka aragtidooda ka dhiibanayay arrintan ayaa u badan hablo diiddan falka ay ku kacday gabadha, waxaana kamid ah Nada Maxamed oo tidhi:

Dadka aragtidooda ka dhiibanayay arrintan ayaa u badan hablo diiddan falka ay ku kacday gabadha, waxaana kamid ah Nada Maxamed oo tidhi:

Balse dhanka kale waxaa jira kuwo difaacay oo ku doodaya in qofku xor u yahay labiska uu doono. Waxaa kamid ah Fatma Saxarla.

“Nigis iyo Keeshali haddii aan ku maro suuqa Hargeysa waa in aan helo xeer nabad-gelyadayda ilaalinaya, “ayay tidhi haweeneydaasi.

Dadka u jawaabay waxaa kamid Faadumo Faarax oo tidhi.

@Bbc Somali