Ninkii Abaal-marinta Nabadda siiyay Abiy Axmed oo ‘amakaag’ ku jira

London-(Berberanews)-Ninkii abaalmarinta nabadda adduunka siiyay Abbiy Axmed, ayaa la yaabay luuqadda uu Raysal-wasaaruhu u adeegsanayo dagaallada ka socda Ethiopia,ka din markii uu maanta ku dhawaaqay inuu tegayo furimaha dagaalka.
dhawaaqista Abiy ayaa ka yaabisay ninkii u magacaabay abaalmarinta Nobel, Awol Allo, oo ah bare sare oo sharciga ka ah Jaamacadda Keele ee Boqortooyada Ingiriiska. “Ogaysiisku waxa ka buuxsamay luuqado shahiidnimo iyo allabari,” ayuu ku yidhi bartiisa twitter-ka. “Tani waa wax aan caadi ahayn oo aan horay loo arag, waxay muujinaysaa sida xaaladdu quus u tahay.”
Abiy waxa lagu abaalmariyay bilada nabadda ee Nobel Peace Prize ka dib markii uu heshiis la galay dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea, kaas oo uu ku dagaalamay xuduudeeda, isagoo ku sugan gobolka Tigray.
dhanka kalena, sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa u sheegay warfidiyeenka in Maraykanku wali rumaysan yahay in “daaqad yar oo fursad ah ay ka jirto” dadaallada dhexdhexaadinta.