Ergaygii wadaxaajoodka Ethiopia oo war  soo saaray

Ethiopia-(Berberanews)-Olusegun Obasanjo, oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa rajo ka muujiyay in wadahadal lagu soo afjari karo dagaalka muddada sanadka ah ee Itoobiya, laakiin wuxuu ka digay “wadahadalladan oo kale la gaadhi karin” iyada oo aan xabbad joojin degdeg ah la helin.

Madaxweynihii hore ee Nigeria ayaa hogaaminaya dadaalo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada arxan darada ah ee galaaftay nolosha kumannaan qof ayna ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof, iyadoo boqolaal kun ay soo wajahday xaalado macluula.

Obasanjo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay “in uu ku rajo weyn yahay in la sugi karo go’aamamo la isku raacsanysy oo ku aaddan xal nabadeed oo colaadda”.

Laakin iyada oo dagaaladu ay sii xoogaysanayeen todobaadyadii la soo dhaafay, waxa uu ka digay in “wadahadalladan oo kale aanay ka soo bixi karin jawi colaad milateri oo sii kordhaysa”.
“Sidaas darteed, waxaan ka codsanayaa hoggaanka dhammaan dhinacyada inay joojiyaan weerarradooda. Tani waxay fursad u siin doontaa wada-hadallada inay  horumar sameeyaan.

Hadaladiisa ayaa yimid ka hor booqasho uu ku tagayo sadex wadan oo Afrikaan ah Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken, kaas oo taageeray dadaalka Obasanjo ee dhexdhexaadinta, wuxuuna ku hanjabay inuu cunaqabatayn ku soo rogi doono xukuumadda Abiy iyo kooxda TPLF haddii aanay hore ugu socon wadahadalada.

Itoobiya ayaa khamiistii shuruudo ku xidhay in ay wadahadal la gasho kooxda TPLF oo ay ka mid yihiin in la joojiyo weerarada iyo in laga baxo gobolada Axmaarada iyo Canfarta ee xuduudka la leh waqooyiga gobolka Tigray.