Djibouti: Maxkamad 12 sano iyo ganaax ku xukuntay duuliye Fuaad

Djibouti-(Berberanews)-Maxkamad ku taal Djibouti, ayaa xukun ku riday Duuliye Fuaad Yusuf Cali oo ka tirsanaan jiray ciidammada cirka.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay Fuaad 12 sano oo xadhig ah iyo 12 kun oo dollar, ka dib markii lagu soo oogay dawcad ku saabsan aflagaado uu u geystay Madaxda dalkaas.

Duuliye Fuaad, ayaa sannadkii hore u baxsaday dalka Ethiopia ka dib markii uu caddaallad darro oyo musuqmaasuq ku eedeeyay dowladda, balse Eithiopia ayaa u soo gacangelisay Djibiouti.

Mudaharaado waaweyn oo looga soo horjeeday xadhiga iyo tacadiga Duuliye Fuaad ayaa gilgilay dalka Djibouti.