Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo xalaalaysay sixir-bararka

Hargeysa (Berberanews)-Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, ayaa xalaalaysay sixir-bararka shiidaalka ee culayska ku haya dadweynaha.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga mudane Xamse Xaamuud Guuleed, ayaa soo saaray tallaabo uu ku xalaaleeyay sixir-bararka, isagoo saaray sixir in halka litir ee Petrolka ah lagu iibiyo 7190 SL shilin, halka qiimihii lagu iibin jiray ahaa 6200 oo shilin sixirbararka hortii.

Agaasimaha Guud ayaan soo hadal qaadin sixir-bararka baahsan ee maceeshadda quutal-daruuriga oo cirka isku shareeray, goaankiisuna aanu ahayn mid dan shacbiyadeed ah oo Wasaaraddu gabtay.

Xamse Xaamuud isaga oo arrimahaasi ka hadlay waxa uu yidhi.“Shidaalka marka aan ka hadlo waa laba qaybood, haddii ay naafato noqoto iyo haddii ay batrool noqotaba.

Batroolku marka uu haamaha ka soo baxayo waxa ay kaga soo baxaysa 156 doollar, gaadiid waxa u saran afar dollar, faa’idada batroolka ugu jirta waxa weeyi todoba dollar iyo badh, haamaha marka Kaalmaha shidaalka la keeno isugeyn waxa uu noqonaya 167.5-dollar, taasi oo 1-ka litir yahay 84 cent, shilinka Somaliland-na waxa uu noqonayaa todoba kun iyo boqol iyo sagaal iyo toban, kaasi waa batroolkii.

Naafatadu haamaha waxa ay kaga soo baxaysa halka foosto 137.2-dollar, gaadiid ama basraac waxaa ay wasaaraddu qiimaysay , faa’iidada u saran waxa weeyi 7 dollar, isugeyn marka la iibinayo shidaalku waxa uu suuqa ku yaala 147.7-dollar, taasi oo halka litir yahay 0.74 shillinka Somaliland-na noqonaysa ugu badnaan 6200 oo shilin.

Sidaasi darteed waxa lagu wargelinaya isu-duwayaasha gobollada dalka inay arrinkaasi u qabsoomaan, kuna tallaabsadaan”