Britain oo ku gacan saydhay baaq ka soo yeedhay Donald Trump

Uk-(Berberanews)-Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Britain ayaa ku gacan seydhay baaq ka soo yeedhay Donald Trump oo dowladda Britain ka dalbaday inay wakiilkeeda Washington u magacowdo Nigel Farage oo hormuud u ahaa kooxdii ka dambeysay ololaha ay Britain kaga baxday Midowga Yurub.

Xafiiska ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sheegay in jagadaasi hadda aanay banaanayn.

Wasiirka dowladda Britain u qaabilsan ka bixitaanka Midowga Yurub David Davis ayaa sheegay in safiirka Britain ee Maraykanka Sir Kim Darroch uu yahay safiir aad u fiican sanado badana ay u badan tahay inuu sii hayn doono xilkaasi._92606940_29041ca2-c579-4abb-8732-e1859e83a4c7

Trump ayaa hadalkan ku qoray bartiisa Twiteer-ka. “Dad badan ayaa jeclaan lahaa inay arkaan Mr Farage oo ah wakiilka Britain u qaabilsan Maraykanka. Shaqo adag ayuu qaban lahaa”, ayuu qoray Donald Trump.

_92606941_6f12d7e6-fbd6-457c-97a1-c8753e578b19

Farage oo ah hogaamiyaha xisbiga soo galooti-diidka ee UKIP aaa noqday siyaasigii ugu horreeyay oo British ah ookulan la qaato Mr Trump tan iyo markii madaxweyne loo doortay. Farage ayaa taageero u muujiyay Donald Trump intii uu ku jiray ololaha.

Mr Farage wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu adkeeyo xiriirka dalkiisa iyo kan Mareykanka.

Wuxuuintaasi ku daray in dunidu ay isbedashay, xukumadda Britain-na looga baahan yahay inay iyaduna la jaan qaado isbedeladaasi.

Nigel Farage waxa uu ku eedeeyay dowladda Britain inay nacaybka ay isaga uqabto ay ka hormarisay waxa uu ugu yeeray ‘danaha qaranka’.

Xigasho Bbc