“Wax lacag ah oo lay siiyeyna ma jirto go,aan aan ku qaatay inaan Kulmiye..” Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa-(Berberanews)-Musharax Jamaal Cali Xuseen oo khadka telefanka ugu waramayey Hadhwanaagnews ayaa waxa kale oo uu eedaymo culus u jeediyey go,aankii maxkamada sare ka soo saartay khilaafka xisbiga Ucid oo uu ku tilmaamay mid cadaalada ka fogaa.

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya wararka ku xidhiidhiyey xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi “Wararkaas waxba kama jiraan waxaanad ogaataan in xisbiga Kulmiye yahay kii aanu is haynay laakiin anagu waxaanu eegaynaa mustaqbalka xisbigii aanu rabnay dagaalkana nalooma yaraysan oo aad ayaa naloola dagaalamay, wax lacag ah oo lay siiyeyna ma jirto go,aan aan ku qaatay inaan Kulmiye ku biiraana ma jiro aniga iyo garabkayguna waxaanu ka tashanaynaa mustaqbalka xisbigii aanu ku jirnay.”

Musharax Jamaal oo ka hadllaya go,aankii maxkamada ayaa waxa uu yidhi “Go,aankii maxkamada sare waxa uu noqday Cali Mahdi gar leh Caydiid-na gar leh oo ah xukun qarboosh aan hagaagsanayn manuu ahayn xukun cadaalad ah, waa maxkamadeenii ugu saraysay go,aankeedana inaannu qaadano waa nagu qasab laakiin gartu siday ahayd iyo xukunku sida uu ahaa waxa ka xukun wanaagsanaa oo ka  cadaali sanaa guddidii diwaan gelinta.”

Musharax Jamaal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Qoladan maxkamada sare waa nimanka yidhi ergada imanaysaa waa ergadii shirweynihii 2012-kii barigaasna xisbiga kumaani jirin anagu, dhibaatada jirtaana waxa weeyaan marna xeerka xisbiga ayey qaadanayaan marna heshiiskayagii, hadii ay ergadaas qaateen oo xeerka xisbiga la eegayo maxaa loo eegi waayey xeerkii xisbiga ee aniga laygu doortay ee go,aankii golaha dhexe ahaa, markaa waxaad moodaa in far badani ku jirtay oo loo soo yeedhinayey go,aamadaas anaguna sharafta ayaanu ka qaadanay oo aynu fulino ayaanu nidhi.”

Sidoo kale Musharax Jamaal ayaa sheegay in go,aanka maxkamada uu dhibaato ku yahay Faysal Cali Waraabe waxanu yidhi ““Dhibaatada jirtaa waxa weeyaan Faysal Cali Waraabe ayaa xukunkii maxkamada jabiyey talaabana way ka qaadi wayday xataa xukunkii qarbooshka ee aanu aqbalnay ayuu jabiyey oo uu musharaxnimo aanu ahayn sheegtay oo uu ku kaligii shir ku dhawaaqay maxkamadii sare-na ilaa maanta way ka aamusan tahay oo go,aanka xukun kamay qaadan.”

Ugu danbayn musharax Jamaal ayaa ka hadlay talo ay ku jiraan garabka xisbiga Ucid ee uu hogaamiyaa “Talo ayaanu ku jirnaa hadana waanu wadnaa arimihii xisbiga, dhibaataduna waxa weeyaan xukunkii aanu is lahayn fuliya iyo shirkii ayaa carqalad la galiyey oo Faysal Cali Waraabe  kaligii ku dhawaaqay go,aan, maxkamadii sare-na talaabo ayey ka  qaadi wayday.”

Xigasho Hadhwanaag