Laba nin oo u dhashay Britain iyo Jarmalka oo Somaliland ku soo gaadhay safarka dhulka ah

Laba nin oo u dhashay Britain iyo Jarmalka oo sheegay inay socdaal dheer ku marayaan xagga dhulka iyagoo ku safraaya laba mooto ayaa gaaray magaalada Hargeysa. Waxay safar dhulka ah ku marayaan min Dubai , Imaaraadka carabta ilaa CapeTown, Koofur Afrika.

Mike Anthony iyo Alex Richter ayaa weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo kula kulmay Hargeysa u sheegay inay ka soo bilaabeen socdaalkooda magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta 5tii Oktoobar 2016, iyagoo soo maray magaalooyinka Masqat iyo Salalah ee dalka Cummaan, ka dibna badda cas markab kaga soo gudbeen oo berbera yimaadeen 20 Oktoobar 2016.

Waxay sheegeen inay u gudbayaan dalka Ethiopia, halkaas ka dibna ay dalal badan oo Afrika ku yaalla sii dhex jibaaxayaan ilaa ay ka gaadhayaan dalka Koonfur Afrika, magaalada Cape Town.

Labada mooto ee ay wataan labada nin ayaa ah mootooyinka dheereey . faah-faahin kale kama aysan bixin socdaalkooda, laakiinse dad badan oo reer Hargeysa ah ayaa daawasho ugu tegey.

_92017558_dubai_capetown _92017562_dubai_capetown2 _92017560_dubai_capetown1