Xog-warran xiiso badan oo lala yeeshay Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa qoraa Jaamac Muuse Jaamac

Hargaysa-(Berberanews)-Mr. Jaamac Muuse Jaamac waxa uu ka mid yahay qorayaasha reer Somaliland ee doorka muuqda ka ciyaara sidii da’yarta loogu guubaabin lahaa akhriska iyo qoraalka, waxaa kaloo uu si weyn uga qaybqaataa dhiirrigelinta wax-akhriska, taas oo sababtay inuu si joogto ah magaalada hargaysa isaga iyo shakhsiyaad kale ay ugu qabtaan bandhiga carwada wax akhriska taas oo la keeno buugaag badan oo manfac u leh bulshada.

Mr. Jaamac Muuse ayaa markii kowaad waxa uu si faahfaahsan uga hadlay sooyaalkiisii nololeed, marxaladihii uu soo maray iyo arrimo kale duwan oo uu ku muujiyey waxyaabihii uu bulshada dhexdeeda ka soo qabtay.14138618_10153918719152219_3244524836471282851_o-300x200

Qoraagu waxa uu ka mid noqday shaqsiyaadka loo soo xushay inay ka mid yihiin hal-doorka saamaynta ku dhex leh bulshadiisa, isagoo arrimahan iyo kuwo kaleba kaga warbixiyey waraysi dhinacyo badan leh oo uu siiyay barnaamijka ku dayo muwaadinka dantaadda guud wax weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay, kaas oo uu soo agaasimay aqoonyahan Rashiid Sulub Caalin.

 “Waxaan ku dhashay magaalada Hargaysa sannadkii 1967-kii. Isla Hargaysa ayaan ka galay malcaamad qur’aankii ilaa dugsigii sare oo aan ka baxay dugsiga Faarax Oomaar, kadib waxbarashadii jaamacadeed, waxaan u tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkii berigaas la isku odhan jiray Soomaaliya. Waxaan galay kulliyadda lagu barto soo saarista macdanaha, hase yeeshee markii aan sannad ku jiray ayaa la furay kulliyad cusub oo sayniska iyo xisaabta lagu baran jiray, taas ayaanan u beddeshay. Markii aan gebogabo ku dhowaa waxaan helay fursad waxbarasho oo aan ku tegay dalka Talyaaniga, iyadoo ay taageero fiican ii fidiyeen macallimiintii wax i baray, sidaas ayaan ku galay Jaamacadda Bias ee Talyaaniga, kuna takhasusay kulliyadda sayniska, gaar ahaan qaybta xisaabaadka. Waan sii watay geeddigayga aqoon kasbasho, waxaanan shahaadada Phd ku sameeyay qaybta tiknoolajiga oo xisaabta uun ku salaysan,” ayuu yidhi Mr. Jaamac Muuse Jaamac oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey dhalashadiisa iyo sooyaalkiisii waxbarasho.

Waxa kaloo uu ka hadlay shaqooyinkii uu soo qabtay, waxaannu yidhi; “Marka aan kaftamayo waxaan idhaa shaqooyinka waan la dhashay, waayo anigoo yar ayaan shaqaynayay, waxaana taas keenaysay marka aanay jirin wax kaloo ku kaaba. Waxa Ilaahay mahaddii ah ilaa maanta oo aynu joogno waxaan ka shaqaynayo ayuun buu quudkayguna ka soo baxaa, laakiin intii ugu badnayd macallin ayaan ahaa. Sidoo kale, cilmi-baadhe ayaan jaamacadda ka ahaa markii danbena arrimaha aan Somaliland ka hayo ee dhaqanka ayey shaqadaydu soo gashay.”

Qoraaga Jaamac Muuse Jaamac waxa uu iftiimiyey waxyaabaha uu mudnaanta siiyay, waxaannu yidhi; “Waxaa i galay sidii loo soo noolayn lahaa dhaqanka afka Soomaaliga iyo sidii loo heli lahaa buugaag ku qoran Soomaali oo tiradoodu ka badnaan laba boqol oo buug ayaan soo helay, kuwaas oo weliba suuqa ka baxay waxaan markaas i dareensiiyay inay halkaas baahi badani halkaas ka muuqato. Waxa aan markaas daabacay buuggii ugu horreeyey ee aan qoray. Xilligaas aan buugaagta bilaabayey waxaan ururkan ka diiwangelinay dalka Talyaaniga oo aan deganaa, ururkaasna waxay dadku u yaqaanaan Red Sea Cultural Foundition, shaqooyinka uu qabanayo ee dadkuna yaqaanaanna waxa ka mid ah bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargaysa iyo qaybta iminka dalka deggen ee xarunta dhaqanka ee Hargaysa. Waxaan ururkaas dalka Talyaaniga ka diiwaangelinay siduu sharciga dalkaasi dhigayo sannadkii 1998-kii, laakiin shaqadii rasmiga ahayd ee halkan (Somaliland) ee ugu horreysay waxay bilaabantay 2008-dii.”

Jaamac Muuse Jaamac waxa uu haatan madax ka yahay Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa, waxaannu ka hadlay waxyaabaha ay xaruntiisu qabato, “Waxa ugu weyn ee xaruntani qabato waxay tahay inay dhallinyaradu hesho meel ay dhaqankeedii ku aragto, meel ay dhaqankoodii ku bartaan, meel ay dhaqankoodii ku tijaabiyaan. Maalin kasta oo Khamiis ah waxaan carruurta yaryar ee saddex jir ilaa 12 jir in loo akhriyo sheekooyin dhaqan oo qof weyni u yimaad si ay yaraan akhriska ugu bilaabaan, markaas shaqooyinka badan ee aannu hayno waxay la xidhiidhaa sidii loo badbaadin lahaa dhaqanka iyo hiddaha ay ummaddani leedahay. Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa, bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargaysa iyo barnaamijka kale ee London (caasimadda Ingiriiska) aannu ku qabanno ee toddobaadka dhaqanka iyo fanka, intuba waxay salka ku hayaan ummaddani waxbay lahayde waxeedii meel ha loo dhigo oo ha loo xafido.”

Ugu dambayn, waxa uu u mahadnaqay qaybaha kala duwan ee bulshada ee gacanta ka gaysta taageerada Xarunta Dhaqanka Hargeysa, waxaannu yidhi; “Waxaan u mahadnaqayaa qaybaha kale ee bulshada oo xaruntan ka dhigay mid ay garab taagan yihiin oo wixii tabaruc ah ka gaysta, isla markaana dhiirrigelin shidaal noo noqotay nagu dhalisay.”