Shirwaynaha Xisbiga Waddani Ee La Filaayo In Uu Bari Qabsoomo Iyo Cabashada Ergooyinka Kala Duwan Ee Ka Yimi Gobolada

Hargeysa-(Berberanews)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa la filayaa in uu maalinta bari ah ka qabsoomo Magaalada Hargeysa Shirwaynihii golaha

dhexe ee xisbiga inkasta oo qaban qaabada shirwaynahaasi aan si wayn looga dareeemayn Gudaha Caasimada marka laga tago boodhadhka labada Musharax ee Madaxwayne iyo ku xigeen ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed iyo Dr Maxamed Cali oo inta badan lagu dhajiyey shaarciyada kala duwan ee Hargeysa.

Waxaana haatan ka socota xafiiska xisbiga qaybinta kaadhadhka golaha dhexe kuwaasi oo uu hadheeyey muran iyo buuq sida ay ku soo waramayaan hawlwadeenada Hangoolnews oo booqday xarunta dhexe ee xisbiga.

Muranka ayaana salka ku haya ka dib markii badiba ergooyinkii kala duwanaa ee gobolada dalka aan loo qaybin si siman kuwaasi oo lagu qaybinaayo hab Qabiil,ergooyinka qaarkood sida kuwa gobolada Togdheer ,Sool,iyo Awdal ayaa qaba cabashada ugu badan oo ah in aan tiro ku filan laga siinin Shirka Golaha dhexe,

Halka cabashada labaad ee ay qabaan ergooyinka gobolada dalka ay tahay mid ay ka siman yihiin taasi oo ah in aan wali loo diyaarin meelihii ay ku dagi lahaayeen iyo sidoo kale kharashaadkii kala duwanaa ee ay ku joogi lahaayeen magaalada Hargeysa

Dhanka kale waxa sida warar xog ogaal ahi uu Hangoolnews kusoo gaadhayaan waxa shirka golaha dhexe tirada ugu badan laga siiyey beesha gudoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyada oo ay arintaasina si wayn uga cadhoodeen qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga ee aan kazoo jeedin Beesha Gudoomiye Cirro.

Kala Soco Hangoolnews Wararka ku saabsan ismaandhaafka ka taagan ergooyinka shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani.

Source: Hangoolnews