Silaanyo oo Imaaraadka ku saxeexay Heshiis ku saabsan Dekedda Berbera

Dubai(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa Heshiis ay sheegeen in lagu dayac-tirayo, laguna ballaadhinayo Dekedda Berbera iyo dhismaha qayb ka mid ah Waddo isku xidhi doonta Berbera iyo Ethiopia.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo shalay ka ambabaxay Hargeysa, ayaa maanta illaa xalay kulammo la yeeshay Masuuliyiinta kala duwan ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanay Maanta wada saxeexdeen Heshiiskaas lagu wareejinayo Maamulka Dekedda Berbera, laguna ballaadhinayo, kaasoo muddo laba sano ku dhaw wadahadalka la xidhiidhaa u socday Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.gg

Heshiiskani inta sannadood ee uu yahay laguma caddaynin War-Saxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, hase-yeeshee, waxa si korka-xaadis ah loogu sheegay in Heshiiskaasi dhex-maray Shirkadda Dubai World oo dhinaca Dekedaha u qaabbilsan dowladda Imaaraadka Carabta iyo Somaliland inuu dhex-maray, isla markaana dhinacyo kala duwan oo la xidhiidha Dalxiiska, tabobbarka Shaqaalaha dowladda iyo inay Huteello Casri ah ka dhisaan Berbera la xidhiidha. Inkastoo ila-wareedyo lagu kalsoon yahay Aftahannews u tibaaxeen in Heshiiskaas Maamulka Dekeddu dhan yahay 25 sano inay Shirkaddaasi gacanta ku hayso, haddana warka Madaxtooyada laguma sheegin muddadiisa.

War-Saxaafadeed  ka soo baxay Maanta Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye oo isagu Hargeysa ku sugan oo ku saxeexnaa qoraalkan, ayaa Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, kaasoo lagu sheegay Heshiiskaas dhex-maray Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo Masuuliyiinta labada dhinac u kala saxeexay-ba. Waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweyne ku xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ahna Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, isla markaana ah xaakimka Imaaradda Dubai, Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum ayaa maanta qaabiley Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane.  Axmed Maxamed  Silaanyo qasrigiisa.

Madaxweynaha oo la dejiyey hotelka Al-qasar, ee ku yaalla madiinatu Jubayra ee Dubai ayaa wuxuu gudoonsiiyey madaxweynuhu Ra’iisal wasaaradaha Dalkaasi hadyad ah, astaanta qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Weftiga uu horkacayo madaxweynuhu ee ku sugan Dubai ayaa heshiis dhinacyo badan taabanaya la saxeexday masuuliyiinta shirkadda Dubai World oo ah shirkadda u qaabbilsan Isu-tagga Imaaraadka dhinaca Dekedaha, gaar ahaan waxa heshiiskaasi saxeexay Guddoomiyaha Shirkaddaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo ka Wakiil ah dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo dhinaca Somaliland oo uu u saxeexay Wasiirka Arrimaha dibeda Dr. Sacad Cali Shire.

Ujeeddada heshiiskan ayaa ah dhismaha, dayactirka iyo ballaadhinta dekeda caalamiga ah ee Berbera. Waxa kale oo heshiiska la kala saxeexday ka mida dhismaha waddada loo yaqaan Berbera Corridor oo ah waddada ganacsi ee isku xidhidhaysa Berbera iyo Itoobiya.

Waxa kale oo ka mid ah heshiiskaa horumarin lagu samayn doono dhinaca Beeraha, Tamarta, Korontada, Dalxiiska, mid ka mid ah Hoteellada casriga ah ee loo yaqaanno (Five Star Hotel) oo laga hirgelin doono Magaalada Berbera iyo guud ahaanba tabobbarrada shaqaalaha iyo horumarintooda oo looga golleeyahay in lagu gaadho maamul wanaag.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Aftahannews soo gaadhay ee uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.