Khasaaraha Ka Dhashay weerar dabley hubaysani ku qaadeen guriga Badhasaabka Gobolka Sool

Hargeysa, (Berberanews) —Gudoomiyaha gobolka sool mudane Mustafe Shine oo wakhti xaadirkan ku sugan magaalada hargeysa ayaa ka warbixiyay weerar ay xalay dabley hubaysan I ku qaadeen gurigiisa uu ka dagan yahay magaaalada laascaanood.

Waxanaa gudoomiyahu uu sheegay in khasaare sahlan uu soo gaadhay guriga oo markaa ka maqnaa iyo waliba gaadhi uu lahaa taliye ku xigeenka ciidamada booliska gobolka sool, waxana uu gudoomiyuhu carabka ku dhuftay in ilaalada guriga gudoomiyuhu ay is difaaceen .

Waxaana gudoomiyaha oo arimahaa ka hadlaya uu yidhi.

“Xalay saqdii dhexe oo saacadu ahayd 2-dii habeenimo aya niman hubaysan oo ku hubaysan qoryo PKM-yo iyo baasuukayaal ah ay gurigaygii weerareen dhaw rasaar ayay ku rideen oo baasuukayaal ah alle idamkii cid waxba kuma noqon gurigi oo khasaare yari soo gaadhay iyo gaadhigii taliye ku xigeenka oo isna guriga hortaagnaana rasaas baa ku dhacday, dhibkale ma jirto guriga ciidamo badan ayaa ilaalinayay waanay iska difaaceen markaaa nimankii way ka baxsadeen meeshii aniguna xalay ayaa fiidkii kasoo baxya magaalada oo aan hargeysa soo galay”Sidaas ayuu yidhi gudoomiye Mustafe Shiine

Gudoomiye Mustafe Shiine oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay ku daba jiraan cidii weerarkaasi gaysatay waxaan uu yidhi.

“Ilaa hada baadhistii ayaa socoto oo ciidamada ayaa ku daba jira kolay waxana weeyey raga fidmo wadayaasha ah ee aan ogalayn nabadgaliyada iyo jiritaanka qaranka Somaliland iyo waliba horumarka gobolka ka socda, gobolkuna maanta horumar badan ayuu ku talaabsaday dadka deegaanku maanta 80% “Boqolkiiba Sideetan”waxay diyaar u yihiin inay Somaliland la jaan qaadaan oo ay kala qayb qaatan horumarka ka socda, dad diidan horumarka ay dadku hiigsanayaan ayuunbaa waxan wada.”

Gabagabadiina gudoomiye Mustafe Shiine waxa uu sheegay inaanay marnaba waxba ka qaadi Karin dadka diidan jiritaanka iyo qaranimada Somaliland iyo waliba nabada waxanaa uu sheegay inaanay ka daba hadhay una joojinayn waxaan kamid ahaaa hadaladiisi sida tan.

“Anaga ma jirto cid wax na yeelaysaa wax marnaba qorshahayaga badalayana maaha wax amniga aan ku naaloonayna badalayana maaha haro markayagii Ayaan ka shaqaynaynaa waxbana uma aragna waxan ay soo tuurtuurayaan kana daba hadhi mayno cida doonaysa inay khalkhal galiso amniga gobolka iyo dalkaba’Sidaas ayuu hadalkiis akusoo kobay Mustafe Shiine