Siilaanyo: soo dhawayn iyo sii dhawayn

Hargeysa(Berberanews):-Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Sabtidii shalay ka dhoofay Hargeysa, isla markaana gaadhay magaalada Jabuuti oo ay kaga qaybgaleen Caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo markii afraad xilkaas loo doortay 8-da bishii April ee sannadkan, isla markaana Axaddii Maanta Munaasibadda lagu caleemo-saaray lagu qabtay Jabuuti, halkaas oo uu Afhayeenka Madaxtooyadu sheegay inuu uga sii gudbi doono Imaaraadka Carabta, ayaa maanta ku soo laabtay Hargeysa.

SOO DHOOFKA IYO SII DHOOFKA SIILAANYO 2016

Inkasta oo aanu Afhayeenka Madaxtooyada oo shalay Saxaafadda la hadlay markii uu Madaxweynuhu baxayey uu sheegay inuu Jabuuti ka sii dhoofi doono Madaxweynuhu, haddana dib ayuu ugu soo laabtay Hargeysa. Hase-yeeshee, isla maanta ayuu ka sii dhoofay Madaarka Hargeysa, isagoo u kicitimay magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu hawlo shaqo u tegeen isaga iyo Weftiga uu hogaaminayaa.

War-Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, ayaa isagoo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidatan:-“Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland,mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa  maanta abbaaro 2:00 Duhurnimo ku soo laabtay dalka, ka dib markii ay soo dhamaysteen ka qaybgalkii caleemo-saarka madaxwaynaha jamhuuriyada Jabuuti mudane Ismaciil Cumar  Geelle, oo ku qabsoontay xarunta dalkaasi ee Jabuuti isla maanta oo Axad ah.

Intii ay ku sugnaayeen Jabuuti, waxay la kulmeen masuuliyiinta  dawladda Jabuuti oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Dib loo doortay, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka dhex muuqday masuuliyiin ka kala yimid meelo kala duwan oo ka mid ah Africa iyo Caalamka intiisa kale.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa waxa ku soo dhaweeyay madaarka Madaxwayne ku xigeenka jamuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiiro, xildhibaano iyo Taliyayaasha ciidamada oo kala ahaa taliyaha ciidanka qaranka, taliyaha ciidamada Booliska, taliyaha Ciidanka Asluubta  iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa ku-xigeenka Duqa Caasimada hargeysa.

Madaxwaynaha iyo waftigii wehelinaayay waxay cabbaar ku nasteen qolka nasashada (VIP) ee Madaarka Egal International Airport.

Nasashada ka dib, Madaxwaynaha iyo waftiga la socda waxay bilaabeen qaybtii labaad ee Safarkooda ee  Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana halkaa ku sugaysay  Diyaarad Khaas ah oo uu u soo diray Madaxwayne ku xigeenka ahna, raysal wasaraha Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna xaakimka Dubai Muxamed Bin Raashid Al-Maktuum.

Safarkan oo la filaayo inuu maalmo qaato, waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, Marwada Kowaad ee qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka kulmiye ahna Musharaxa Xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali, iyo Xoghaynta Marwada Sabaax Cali Diiriye, iyadoo ay hore u sii joogeen imaaraadka, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Mudane Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor).”