7 qof oo ku dhintay Shil baabuur oo ka dhacay Afghanistan

Kabul(Berberanews):- Ugu yaraan toddobaatan Ruux ayaa ku dhintay, dad konton ka badanina way ku dhaawacmeen, ka dib markii ay Labo Gaadhi oo Basas ah iyo Booyad Shidaal isku dhaceen dalka Afghanistan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Afghanistan oo lagu magacaabo Ismaaciil Kawoosi, ayaa sheegay in tiro ka badan 70 ay ku dhinteen shil gawaari oo ka dhacay bariga Afghanistan.

Labo bas iyo booyad shidaal ayuu dabka ka kacay kaddib markii ay isku dhaceen waddada isku xirta Kabul iyo Kandahar. Waxaana la sheegay in dhaawaca uu ka badan yahay 50 ruux.

Inta badan dadka dhintay ayaa gubtay iyagoo aan la aqoonsan karin. Tobaneeyo kale ayaa dabkii soo gaaray iyo dhaawacyo kale laga daaweynayaa. Seddaxda gaari ayuu dabku wada qabsaday markii ay isku dhaceen.shil

Shilalka gawaarida ayaa caadi ka ah Afghanistan halkaasi oo xaaladda wadooyinku ay liitaan. Wariyaha BBCda ee Kabul, Mahfouz Zubaide, ayaa soo sheegay in darawalada ay xawaare ku wadaan gawaarida oo aysan raacin shuruucda wadooyinka.

Xigasho BBCSomali.com.