Faransiiska oo wax ka qabanaya goobaha qadiimiga ah ee Laas-geel

Nairobi (Berberanews) Safaaradda dalka Faransiiska ee Kenya ayaa ka soo jawaabtay ballan-qaad ay ku horumarinayso goobaha dalxiiska ee degmadda Laas-geel, oo bishii Febraury Wafti ka socday safaaraddaasi ay booqasho ku tageen goobaha qadiimiga ah ee Laas-geel, taas oo ujeedada booqashadoodu ahayd ka soo war-helida iyo sidoo kale wixii awoodooda ah ee ay wax-qabad ka geysan karaan.

Wafti uu hogaaminayo Mr. Dr Cristian oo ka tirsan safaaradda Faransiiska ee Kenya oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socday wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa Maanta booqasho ku tegay goobaha qadiimiga ah ee degmadda Laas-geel, si loo darso baaxadda wax-qabad ee laga fullin karo goobahaas.hg

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay, sharaxaadna ka bixiyey goobaha dalxiiska ee Laas-geel Agaasimaha waaxda dalxiiska ee wasaaradda Mr. Ibraahim Maxamed Diiriye (Shide), isagoo waftiga tusay goobaha u baahan in wax laga qabto si aanay waxyeelo ugu iman ataataarta qadiimka ah. Agaasime Shide ayaa sidoo kale waxa uu waftigan uga mahad-naqay booqashadooda khuseeya u kuur-gelidda wax-qabasho, waxaana uu xusay in dalka Faransiisku uu yahay mid dhanka dalxiiska daneeya, ayna ku faraxsan yihiin jawaabta deg-dega ah ee ballan-qaadkii uu Safiirka Faransiiska ee Kenya u jooga Somaliland iyo Somaliya Mr. Rémi Maréchaux uu sameeyay, ayna rajeynayaan wixii wax-qabasho dhanka dalxiiska ah ay gacan ka siin doonaan.
Dhanka kale, Agaasimaha waaxda Qorsheynta wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Mr. Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in goobaha dalxiiska ee Laas-geel ay wakhti xaadirkan u baahan yihiin in la daryeelo, taasna ay ka rajeynayaan dawladda Faransiiska inay gacan ka geysan doonaan maadaama ay ka soo jawaabeen ballan-qaadkoogii.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay safiir Dr. Cristian oo waftigan hogaaminayey, isaga oo sidoo kale 11 waddan oo Afrika ah Safiiradooda La-taliye u ah, waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida loo soo dhaweeyay sidoo kalena ka dawlad ahaan ay diyaar u yihiin inay wax baddan qaban doonaan goobaha dalxiiska ee Laas-geel, ayna tahay ujeedada ugu weyn ee ay hadda isaga iyo waftigiisu u yimaadeen Somaliland.

Waftigani ayaa kormeer ku soo wada maray goobaha kala duwan ee dalxiiska degmadda Laas-geel, iyaga oo aad uga helay kana qaatay sawirro iyo warbixino kala duwan. Sidoo kale, waxa ay xarunta wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska ay kulan kula yeesheen Wasiirka iyo Agaasimaha guud.