Taliska Booliska Somaliland oo soo bandhigay Fal-dembiyeedyo kala duwan oo dalka ka dhacay

Hargeysa(Berberanews):- Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa soo bandhigtay Kiisas dilal ah oo maalmihii la soo dhaafay ee bishan April sannadka 2016-ka lagu jiray ka dhacay magaalooyinka kala duwan ee Hargeysa, Burco Sheekh iyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan, kuwaasoo Dadkii geystay ay Ciidanku gacanta ku dhigeen, sida ay shaaciyeen Masuuliyiinta Ammaanku.

Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Afhayeenka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo Shir Jaraa’id ku qabtay Axaddii Maanta xarunta Ciidanka Birmadka ee magaalada Hargeysa, ayaa shaaciyey Tirada Dhawr Marxuum oo maalmihii u dambeeyey lagu kala dilay magaalooyinkaas kala duwan.

Waxa uu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal geestiisa digniin u diray Wadayaasha Baabuurta kala duwan wakhti-roobaadkan, isagoo ugu baaqay inaanay Naftooda, Hantidooda iyo Nafaha dadka ay sidaan ku khammaarin, isla markaana iska jiraan Dooxyada Dadka iyo Gaadiidka qaada xilli-Roobaadka marka ay Daadadku marayaan Dooxyadaas.

Warbixinta Warkan Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ku shaaciyey Tirada Dadka bishan lagu dilay Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Sheekh iyo goobo kale iyo qaabka ay Boolisku gacanta ugu dhigeen dadka ku eedaysan inay dilalkaas geysteen idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-