“Qoladan Dimuqraadiyadda Sheegata Waayahanba Ismaaciil (Madaxweynaha Jabuuti) Way Iska Eryanayeen Weliba Markuu Shiinaha Keenay, Markaa Waxaan Leeyahay…” Xildhibaan Cali Aareeye

Hargeysa  (Berbera news) Xildhibaan Cali Sheekh Axmed Aareeye oo ka tirsan mudaneyaasha aqalka golaha wakiillada ee gobolka Selel ka soo jeeda ayaa shalay kal iyo laab u soo dhaweeyey natiijada doorashadii jimcihii ay shacbiga reer Jabuuti u dareereen oo la shaaciyey in uu mar afraad ku guulaystey Madaxweynaha haatan talada dalkaasi haya ee Ismaaciil Cumar Geelle.

aareeye

 Xildhibaan Cali aareeye waxaa uu sheegay in uu bogaadinayo doorashadaas oo lixdii musharrax ee ka qayb galay uu ku dooday in Musharraxii ugu mudnaa uu yahay Madaxweyne Geelle, isagoo sidoo  kalena dadka reer Jabuuti ku ammaanay codbixinta ay u dareereen oo uu tilmaamay in ay muujinayso abaal ay Madaxweyne Geelle u gudayaan kadib markii waxqabad la taaban karo uu ka hirgeliyey dalkiisa.

 “Maanta aad iyo aad baan u faraxsanay, waayo doorashadii Jamhuuriyadda Jabuuti ka qabsoontay jimcihii shalay oo si nabad gelyo ah u qabsoontay, qodobka labaad lix musharrax bay ahaayeen oo ninkii u mudnaa ee Ismaaciil Cumar Geelle [Madaxweynaha hadda dib loo doortay] ayaa ku guulaystay” sidaa ayuu yidhi Xil. Cali Sheekh Axmed aareeyee oo Weriye Maxamed Faarax Coomaade oo Somali channel Ka tirsan ugu warramay shalay magaallada Hargeysa, waxaanu intaa ku daray xildhibaanku “Waxaan bogaadinayaa oo aan hambalyaynayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo aan leeyahay illaahay ha kugu garab galo guushaas dadnimada iyo sharafta leh ee aad ku guulaysatay. Waxaa kale oo aan leeyahay dadka reer Jabuuti, Madaxweynuhu wax badan buu idiin taray, waad gudeense abaalkii maadaama oo aad maanta siiseen 86% guushii, waxay muujinaysaa taasi inaad leedihiin dad asiili ah oo guda abaalka, madaxweynahana waxaan leennahay  wixii hore ee aad qabatay labanlaab oo saddex laab si wax raandhiisleh ay ummadu kuugu xasuusato. Biniaadamka waxa afka laga siiyo iyo shilinka aad gacanta ka siisaa macno badan ma siiyo, waxaase wax sameeya waxa aad dalka galiso ee aad u tarto, hadday dekedo iyo laamiyo tahayba, Illaahayna wuu kugu guulayn doonaa” ayuu xildhibaanku yidhi.

Dhinaca kale Mar uu ka jawaabayay  su’aal nuxurkeedu yahay  cabasho mucaaridku kaga deyriiyeen doorashadaas iyo dhawaaqyada ka soo yeedhaya hay’adaha xuquuqal aadamaha dunida, waxaa uu xildhbaan Aareeye yidhi “horta qoladan dimuqraadiyad-doonka adduunyada sheegata nin kii afrikaan ah ee wax yara qabta culays bay saaraan, Ismaaciilna waayahan way iska eryanayeen weliba markuu Shiinaha keenay markaa dimuqraadiyadu waa taas  dadku ku footeeyey maanta taasi ayaan dimuqraadiyad u aqaanaa, waana madaxweyne ay dadkiisu jecel yihiin, isaguna jecel dadkiisa, markaa qolooyinkan dimuqraadiyadda iyo xuquul-insaanka sheeganayaa [xaafadahooda] ha ku dhaqaan, laakiin halkaas [Jabuuti] xalay [habeen hore] illaa saddexdii baan telefishanka daawanayay,  khaladaad yari wuu iman karaa waxaa  halkaas ka dhacay aqlabiyad”. Ayuu Cali Aareeye yidhi, waxaana mar uu si gaar ah ula hadlayay mucaaridka uu yidhi “Nimanka mucaaridka waxaan leeyahay waar Maaratoonka marka raggu ordo nin uun baa badiya, qoladaas saan-caddaalayaashuna waxay ka helaan in ay yidhaahdaan Mucaarid baa cabanaya, cabashadaasna waxba kuma qabtaan ee idinkuna [mucaaridka] ha is ceebaynina, haddii lagaa badiyana cabashada lama badiyo ee walaalkiin hambalyeeya oo mabruuk dhaha” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay xildhibaan Cali sheikh Axmed Aareeye oo shalay Hargeysa ugu warramay Weriye Maxamed Faarax Coomaade oo ka tirsan telefishanka Somali Channel.

Berbera news. Hargeysa